golis

Hiiraan: Yuusuf Dagageed oo Aqbalay inuu Xilka Wareejiyo

Xubno ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaaladda Beledweyne ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan khilaafkii ka taagnaa maamulka gobolka Hiiraan.


Xildhibaan Nuur Iidoow Belye ayaa sheegay inay ku qanciyeen Guddoomiyihii hore ee Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabagadeed inuu aqbalo xild ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Maxamade Cabdi Waare , xilka uu wareejiyo

‘’ waxaan ku howlaneyn sidii arrintan loo dhameyn lahaa, ugu danbeyntiina waxaan ku qancinay Yuusuf Dabageed in uu sharciga u hoggaansamo xilkana ku wareejiyo guddoomiyaha cusub, isagana wuxuu naga aqbalay’’ ayuu yiri Xildhibaan Nuur Iidoow


Yuusuf Dabageed ayaa horyimid xilka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle, taaasi oo dhalisay iska hor imaadyo iyo shaqaaqo keentay dhimasho iyo dhaawac.


guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cali Maxamed Caraale

HORSEEDMEDIA