golis

Madaxweynaha Jubaland oo booqday Goobwayn.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Jimco ah Masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan wakhti kula qaatay Deegaan dalxiiseedka Goobweyn.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Xildhibaano ka tirsan Dawlada Federaal ah ee Soomaaliya, Odayaal dhaqan iyo dadweyne kale ayuu Madaxweynahu halkaas kula qadeeyay.

Madaxweynaha ayaa dadka uu halkaas kula kulmay ka dhagaystay aragtiyadooda iyo afkaaraha ay ku biirinayaan geedi socodka Jubbaland.