golis

Suudaan: Saraakiil Loo Xirxiray Afgembi Dhicisoobay

Afhayeen u hadlay gollaha milateriga Suudaan Jeneral Jamaal Omar ayaa sheegay in xabsiga la dhigay saraakiil ka kala tirsan ciidamada iyo sirdoonka wadankaasi, kuwaasoo isku dayay afgembi

Wuxuu sheegay in saraakiisha la xirxiray ay isugu jiraan qaar ku jira ciidamada iyo kuwo howlgab ka noqday, waxaa kaloo uu sheegay in kooxda isku dayday inay afgembiyaan gollaha milateriga ay doonayeen inay fashiliyaan heshiiska gollaha milateriga iyo ururada mucaraadka Suudaan.

Afgembigan dhicisoobay wuxuu noqonayaa midkii saddexaad oo ay milaterigu sheegeen inay fashiliyeen tan iyo markii ay xilka ka qaadeen hoggaamiyihii Suudaan Cumar Xasan Albashiir.

HORSEEDMEDIA