golis

Weerar isugu jira Qarax iyo Rasaas ayaa lagu qaaday Hotel ku yaal Kismaayo.

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weerarray hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, iyada oo wali rasaas laga maqlayo gudaha hotelka, ma cadda inay rag hubeysan gudaha u galeen hotelka oo ay deggaan xildhibaanno iyo siyaasiyiin.

Wararka ayaa inta ku daraya weerarka inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, wallow aan tiri ahaan loo xaqiijin.