golis

DF oo Sheegtay in 15 Alshabaab ah ku Dileen Howlgal laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal Ciidamad ka sameeyeen Gobolka Habeelaha Hoose ay kaga saareen Maleeshiyaadka Alshabaab qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego

kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo ka tirsan Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Milateriga oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Wuxuu sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen argagixisada, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada Alshabaab looga saarayo guud ahaan dalka.

HORSEEDMEDIA