golis

Ismiidaamiye isku Qarxiyay Dhuusamareeb

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaaladda Dhuusemareeb ee xarunta Galmudug, qaraxan waxaa gaystay Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Ismidaamiyaha ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta Injii oo xafiis u ahayd madaxa ururka ahlu sunna ee ka arrimiya Dhuusamareeb  Sheekh Maxamed Shaakir. Qaraxa waxaa ku dhintay qofkii ismiidaamiyay, waxaana ku dhaawacmay ilaa 5 qof.

Magaaladda Dhuusamareeb waxaa ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hoggaaminayo. Sidoo kale waxaa shalay gaaray halkaasi oo wafti ka socday wasaaradda gaashaandhiga Qadar oo watay diyaarad milateri, halkaasina kula kulmay Ra’isul wasaaraha iyo madaxda Ahlu Sunnah.

HORSEEDMEDIA