golis

Nepal; 50 Qof oo Ku Dhintay Roobab Xoog leh oo Ka Da’ay Nebal

Roob xoog leh oo ka da;ay guud ahaan wadanka Nebal ee Aasiya ayaa sababay dhimashada ilaa 50 qof, waxaana la laayahay tiro kale oo dad ah.

Roobkan oo keenay fatahaado iyo ciida oo dhaqaaqday ayaa saameeyay kumaankun qof oo ku nool gobolada bari iyo Koonfureed ee Nebal, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Dhinaca kale, Waqooyiga Hindiya ayaa roobab ka da’ay waxay dileen Ilaa 11 qof, iyadoo webiyadu ay qararka jabsadeen.

Afhayeen u hadlay Booliiska Bishwaraj Pokharel ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dad ka badan 1100 qof, hase yeeshee weli la laayahay dad gaaraya 33 qof .

HORSEEDMEDIA