golis

Sarkaal Xamaas Ka Tirsanaa Oo Lagu Dilay Gobolka Marib ee Yemen

Nin Falastiini ah oo muddo 15 sanno deganaa dalka Yemen ayaa lagu dilay Bar kontorool oo ku taal gobolka bartamaha yemen ee Marib, sida ay sheegeen Ururka Xamaas ee Falastiniyiinta.

Ururka Xamaas ayaa dilka Ninkan ku eedeeyay inay ka dambeeyeen rag ka tirsanaa sirdoonka Imaraadka ee Yemen ku sugan. ninkan ayaa lagu magacaaba Axmed Macruuf

“Xamaas waxay u murugoonaysaa mid ka mid ah xubnahayaga oo ku noolaa Yemen 15 sanno, waxaan ugu yeeraynaa Dowladda Yemen inay baaraan Falkaasi” sidaas waxaa lagu yiri warsaxafadeed ay soo saareen Xamaas

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo tebisay in Ninkan oo 36 jir uu u shaqaynayay hayad gargaar, islamarkaana uu ahaa Imaam Masjid. waxay sheegeen in Sirdoonka imaraadku afduubeen, jirdilna u gaysteen ka hor intii aan lagu toogan bar kontorool.

Qoyska Macruuf waxay sheegeen in Sirdoonka Imaraadku ay u xireen iyagoo la xiriiray inuu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa Akhwaanul Musliimka oo Imaraadku u aqoonsan yahay urur argagixiso.

HORSEEDMEDIA