golis

Maamulka Gobolka Karkaar oo la kulmay Suxufiyiinta Gobolka Karkaar.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ayaa galabta kulan la qaatay Bahda Warbaahinta Gobolka Karkaar, Ajandaha kulankaan ayaa salka ku haya sida ay u wada shaqayn karaan Suxufiyiinta iyo Maamulka Cusub.

Mohamud Nadiif Shire Wakiilka Map ee Gobolka Karkaar oo ugu horayn Kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay Xaalada ay ku sugan yihiin suxufiyiinta Gobolka Karkaar, Waxa uu sharaxay xarumaha ka hawlgala Gobolka, tirada weriyayaasha iyo sida ay muhiim u tahay wada shaqayn dhex-marta Maamulka iyo Suxufiyiinta.

Maxamuud wuxuu gudoomiyaha cusub ee Gobolka kula dardaarmey in uu markasta ka sbaqeeyo ilaalinta xuquuqda weriyayaasha, si gaar ah marka ay yimaadaan xaaladaha la xiriira wararka ay tebiyaan weriyayaashu oo mar-mar Dawladu ay ka carooto in cidii eed llo haysto loo soo maro wado waafaqsan sharciga.

Qaar ka mid ah weriyayaasha ka qaybgalay kulanka dhankooda waxay tilmaameen hanaankii wanaagsanaa ee weriyayaasha iyo maamulkii ka horeeyay ay u wada shaqeeyeen, Maamulkana waxay ka codsadeen in uu si dhaw ula shaqeeyo, iyaguna ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan horumarka Gobolka.

Ugu danbayn Gudoomiye Saciid Maxamed Faahiye wuxuu tilmaamey in horay weriyayaasha ay usoo wada-shaqeeyeen hadana ay ka go’antahay in uu sidii si ka wanaagsan ula shaqeeyo.

Gudoomiye Saciid wuxuu sheegay in Albaabkiisuu uu warbaahinta u furanyahay, iyaguna ay ka qaybqaataan sidii ay gobolka Horumarkiisa ugala shaqayn lahaayeen.

Saciid Maxamed Faahiye gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Karkaar ayaa mudooyinkii danbe waday kulamo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhanka kale Gudoomiye Saciid Ayaa Madaxa Warfaafinta Gobolka Karkaar waxa uu isla maanta u magacaabay Saciid Muumin Axmed.