golis

Kullan Looga Hadlayay Amniga Jubbaland oo Kismaayo Lagun Qabtay

Kadib qarixii Kismaayo ka dhacay kaasi oo ay ku dhinteen 26 qof ayaa Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa kulan amni waxaa uu kallan maanta la yeeshay laamaha amniga Jubbaland.

Kulanka waxaa ka qayb galay Taliska ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabad-sugidda, Booliska,Daraawiishta iyo Saraakiisha sar sare ee ciidanka Jubbaland.

Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga Jubbaland, ka hortagga dhagarta cadowga, samaynta howlgallo joogto ah oo nabadgelyada lagu xaqiijiyo iyo qodobo kale oo muhiim u ah amniga Jubbaland.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo markii shirku soo dhamaaday la hadlay Jubbaland TV ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka iyo go’aanada kasoo baxay, wuxuuna qaybaha bulshada Jubbaland ugu baaqay in ay ciidanka amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta nabadgelyada.

HORSEEDMEDIA