golis

Puntland oo Ka Hadashay Dhul-gariir ka dhacay badda Gacanka Cadan

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayaraadka Badda Puntland Faarax Maxamed Cawaash oo maanta shir jaraa’id magaaladda Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyay dhul gariir toddobaadkan ka dhacay meel 175km u jirta xeebta bareeda ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Wasiirka, wuxuu sheegay in dhulgariirkaas aanu wax khasaare ah uusan gaysan .

“markii hore wararka waxay noogu sheegeen aaga uu ku beegnaa dhulgariirku magaalada bareeda, laakiin markii aan la xiriirnay dadka degan magaalada waxay noo sheegeen inaysan waxba maqlin, wax gariir ahna dareemin. markaa wuxuu isugu soo ururay inuu ka dhacay 171km meel meel waqooyi galbeed kaga beegan Bareeda.” Sidaas waxaa yiri wasiirka.

Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan degaamo laga dareemay gariir sida degaanada geesalay iyo boolimoog.

Wasiirku, wuxuu xusay in wasaaradu ay koox khubaro ah oo ay dirayso gobolka Gardafuu si ay xog uga keenaan dhulgariirkaas ka dhacay badda hoosteeda.

Dhinaca kale, wasiirku wuxu sheegay in dhawaan soo bandhigi doonaan warbixin la xiriirta khasaaraha iyo dhibaatada ka dhalatay fatahaadihii khuuriga Caluula

HORSEEDMEDIA