golis

Dawlada Soomaaliya oo dalacsiisay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Taliyeyaasha Booliska degmooyinka, Taliye qaybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa munaasabad lagu dalacsiinayo darajooyinkooda lagu qabtay xarunta ciidamada boliska Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye. dalacsiinta ciidamadaan ayaa ku timi ka dib markuu uu soo jeediyay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya waxaana dalacsiiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdilaahi Farmaajo.


Saraakiisha ka tirsan ciidamada ee la dalacsiiyay ayaa waxaa ka mid ah Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq John oo ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, waxaa loo dalacsiiyay darajada Sareeye Guuto, sidoo kale kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud Jeego ayaa isna loo dalacsiiyay G/sare.
Munaasabada lagu dalacsiinayay ciidamadaan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro.