golis

USA: Kongarayska Maraykanka oo Cambaareeyay Hadaladii Trump

Aqalka Kongarayska Maraykanka ayaa cod ay qaadeen waxay ku cambaareeyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo weerar af ah ku qaaday afar gabdhood oo ka tirsan aqalka Kongarayska.

240 xildhibaan oo ay ku jiraan 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa HAA ku codeysay Haa halka 187 xildhibaaan oo dhammaantood ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump ay MAYA ku codeeyeen.

Xubnaha Kogarayska oo u badan xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku eedeeyay madaxweyne Trump inuu sharaf dhac uu u keenay aqalka cad ee Maraykanka oo uusan mudnayn inuu madaxweyne ka sii ahaado dalka Maraykanka, waxay ku eedeeyeen inuu hadalo nacayb iyo mid kala sooc ah uu ku weeraray afar gabdhood oo ay ku jirto Ilhan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minisoto ee Maraykanka.

Dhinaca kale, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa bilaabay Mooshin xilka lagaga xayuubinayo Madaxweyne Trump, hase yeeshee waxaa si weyn uga soo horjeeda xubnaha kongarayska ee xisbiga Jamhuuriga ka soo jeeda.

Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkan qoraalo uu ku daabacay boggiisa Facebooga iyo shirar jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in gabdhaha lagu magacaabo Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Omar, Ayanna Pressley and Rashida Tlaib ayaa dib ugu laabtaan dalalkii ay hore uga yimaadeen. wuxuu si gaar ah u weeraray Ilhan Cumar oo uu sheegay inay ka timid dalka Soomaaliya oo dhinac kasta ku fashilmay.

HORSEEDMEDIA