golis

Garoowe: Madaxweyne Deni oo Xilal Cusub Magacaabay

Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa wareegto mugacaabay Guddoomiyayaasha iyo Kuxigeenada gobolada Sanaag iyi Haylaan Ee Puntland.

Wareegto kale, Wuxuu ku magacaabay mareeyaha Garoonka Bosaso Iyo Ku-Xigeenkiisa.

Masuuliyiinta Loo magacaabay Gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa kala ah

  1. Cali Xuseen Maxamed waxaa loo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
  2. Jaamac Cabdulaahi Cali waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.
  3. Maxamuud Cumar Liibaan Waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.
  4. Siciid Xuseen Maxamuud Waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.

Dhinaca kale, Maareeyaha garoonka diyaaradaha Bosaso iyo Ku-Xigeenkiisa ayaa loo Magacaabay.

  1. Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf waxaa loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
  2. Cabdixamiid Yuusuf Muuse waxaa loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

HORSEEDMEDIA