golis

Muuse: Farmaajo Intii uu xilka yimi Somaliland waxay Kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno

Madaxweynaha Somaliland oo casho sharaf u sameeyay qoroyaal iyo aqoonyahano ka qaybgalay Bandhiga Buugaagta Hargaysa ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee Soomaaliya

Muuse bixii wuxuu sheegayn in tan iyo markii Farmaajo uu noqday madaxweynaha Somaliya uu kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo

“Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu gef iyo gardarro ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliya uu guddiyada uu magacaabay kusoo daro xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, waxana uu tilmaamay inaanay Somaliland meteli Karin shaqsiyaad iskood u shaqo tegay oo aan cidna metelini, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland wuxuu, farriin garnaqsi ah u diray axsaabta mucaaridka Somaliland, waxana uu sharraxay sida aanay isula jaanqaadi Karin rabitaanka mucaaridka iyo waqtiga ka hadhsani doorashada “Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bisha Augost (Siddeedaad) tobankeeda haddii ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida, caawana waxa aynnu joognaa 20-kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kordhiyo iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Biixi sharraxay sida kaliya ee lagu qaban karo doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin, waxana uu yidhi,

“Waxan leeyahay laba halla kordhiyo oo imika sharcigeedii halla bilaabo macquul ma ahee sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka dhammaynonna aynnu kordhinno labada.”

Toddobaadkii hore, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddi ka shaqayn doona dib-u-heshiisiinta iyo wadahalada Somaliland. Guddigaas waxaa ka horyimid Somaliland iyo Puntland.

HORSEEDMEDIA