golis

Hay’addo KAALO Oo Bosaso ku qabatay tababar Wacyigelin ah-Sawiro

Hay’ada Kaalo ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qabatay kulan wacyeligelin ah oo ku saabsan kahortaga iyo kajawaabida tacadiya ku saleysan jinsiga.

Ku dhawaad 40 qof oo ka mid qaxootiga ku nool Magaalada Boosaaso ee kasoo jeeda Wadamada Ethopia iyo Yemen ayaa kulanka ka qeybgalay waxaana maalgelinaysa Hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR iyadoona ay fulinaysay Hay’adda KAALO.

Ujeedka Wacyigelintan ayaa la xiriirta sidii loo ogaan lahaa xaqiiqada ku wareegsan tacadiga kadhan ka ah jinsiga iyo sidii loo yareyn lahaa tacadiga dhanka jinsiga ah iyadoo loo maraayo hab waceyligelin ah sida uu kulanka ka sheegay Cabdicasiis Siciid Maxamed oo ah madaxa KAALO ee gobolka Bari.

Intii uu socday kulankan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalayaasha la siiyay casharo la xiriira habka ugu haboon ee looga gaashaaman karo tacadi loo geysto dadka nugul sida haweenka iyo caruurta iyadoona madax ka socotay Maxkamadaha ay kasoo qeybgalayaasha la wadaageen xeerarka u yaala dowladda ee ciqaabayo eedeysanayaasha geysta falalka tacadiga ah sida kufsiga IWM.

Si kastaba ha ahaatee Hay’adda Kaalo ayaa mudooyinkii ugu danbayeeyay magaalooyinka Puntland ka waday tababaro iyo kulamo wacyigalin ah kuwaas oo muhiim u ah dadka qaxootiga ah ee ku nool gudaha dalka.

Horseed Media 2019