golis

Dowladda Puntland Oo Sheegtay In Sharci ay ku Xiran Yihiin Xubnihii Gudiga Horumarinta Bosaso-DAAWO

Shir jiraa’id Oo xalay ay siwada jir ah ay ugu qabteen magaalada Boosaaso Maamulka Gobolka Kan degmada Iyo taliska Qeybta ee Gobolka ayaa waxa ay faahfaahin uga bixiyeen xarig dhawaan magaalada Boosaaso loogu geystay xubnihii gudiga Dhismaha wadada bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Shirka jiraa’id oo ahaa mid lawada sugayay ayaa masuuliyiinta ay ka sheegeen in xarigga xubnahan loogu geystay gudaha magaalada Boosaaso uu yahay sharci.

Gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha guddiga ay u xireen sababo la xiriira kadib markii ay sheegeen in ay isticmaaleen Lacagtii Ay u soo dirtay dowladda Federaalka iyadoo buu yiri ay ku wargeliyeen in lacagtaasi ay dib u celiyaan hase ahaatee ay ka biyo diideen.

Duqa ayaa sheegay in xubnahan xiray sharciga waxa uu ka qabo la marsiin doono inkastoo uu ka gaabsaday su’aalo ay weydiisay saxaafadda.

Si kastaba ha ahaatee xubnaha gudigga dhismaha wadada bartamaha ee Boosaaso ayaa maalintiin labaad ku xiran saldhigga bartamaha ee Boosaaso iyadoo aan maxkamad lasoo taagin.

Horseed Media 2019