golis

Madaxweynaha Koofurgalbeed oo la kulmay safiirka Dalka Qadar.



Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ku kulmay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qatar Amb Xasan Binu Xamza.


Safiirka iyo waftidiigsa waxay booqasho iyo kormeer ku tageen Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan Mahsaariic ay ka wadaan magaaladaas, sida Iskuul ay dhiseen, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.


Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.