golis

Xildhibaano Sharci darro ku Tilmaamay Xariga Loo Gaystay Xubnaha Guddiga Hormarinta Bosaso [DAAWO/SAWIRRO]

10 xildhibaan oo ka tirsan gollaha wakiladda ee Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta barlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga lagu kacay xubnaha guddiga horumarinta Bosaso ee toddobaadkii hore dowladu ku xirtay.

Xildhibaanadu waxay ka dalbadeen xukuumadda Puntland inay si degdeg u sii daaybaa xubnahaasi oo ay sheegeen inay yihiin Samafalayaal u adeegayay dalkooda iyo dadkoda

Xubnaha Guddigan oo kala ah, Sheekh Maxamed Macalin oo ah guddoomiyaha guddiga, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, Guddoomiye ku-xigeen, Sheekh Maxamed Faahiye Ciise iyo Ing Malfo.

Xildhibaanada Shirka Jaraa’id Qabtay.

  1. Saadiq Abshir Garaad
  2. C/raxmaan Siciid Faarax
  3. Cabdijamaal Maxamed Cismaan
  4. C/raxmaan Maxamed Dhoore
  5. C/raxman Diirye Carab
  6. Ayaanle Galan Guuleed
  7. Saleebaan Faarax Ciise
  8. Maxamuud Axmed Cali
  9. Faarax Khaliif Cilmi
  10. Maxamed Ismaaciil Maxamed
Xildhibaano Baaq u diray Madaxweyne Deni

Xildhibaano ka tirsan gollaha Barlamaanka Puntland oo sharci darro ku tilmaamay xarinta Xubnaha Guddiga horumarinta Bosaso ee ku Xiran Bosaso.Waxayna Madaxweyne Deni ugu Baaqeen inuu Si Degdeg u Sii daayo

Posted by Horseed Media on Monday, July 22, 2019

HORSEEDMEDIA