golis

Gudigii Horumarinta Boosaaso oo dib xoriyadooda u helay.

Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada magaalada Boosaaso kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay lacag usoo dirtay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya taas oo loogu talagalay horumarinta Magaalada Boosaaso.

Gudigga ayaa maanta lasoo taagay maxkamada derajada koowaad ee Magaalada Boosaaso taas oo dib xoriyadooda u siisay, gudiga oo shir jaraaid qabtay sii dayntooda ka dib waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan dhamaystirka mashruucaas. waxay ummada soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ugu baaqeen in ay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan.

Maxakamada ayaa maanta xukuntay in lacagta hartay ay dawladu maamuli doonto, gudigguna waxay sheegeen in duqa degmada Boosaaso uu iyaga digreeto ku magacaabay ayna wada-shaqayn doonaan.