golis

DF Oo ka warbixisay Xaalada Caafimaad ee Ing Yariisow

Waxaa soo hagaageysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku sugan magaalada Dooxa kana mid aha dadka raacay dhaawacyada loo qaaday dalkaas ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha.

Wasiirka ayaa sheegtay in Xaaladda Caafimaad dad uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mr.Yariisow ka soo roonaaneyso sidii hore oo ah markii laga soo qaadayay magaalada Muqdisho,waxayna dhaqaatiirta ku ammaantay daryeelka joogtada ah ay siinayaan dadka dhaawaca ah oo uu guddoomiyaha ku jiro.

Marwo Khadiijo ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Xaaladda Guddoomiyaha waxaana ay sheegtay in uu soo roonaanayo,iyadoo xustay in dhaqaatiirtu ay u sheegeen in Xaaladdiisu ay fiican tahay

HORSEEDMEDIA