golis

Madaxweynaha Somaliland oo Magacabay 8 Xil

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha somaliland madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ku magacaabay 8 xil, isagoo 8 kalena ka qaaday xilalkii ay hayeen.

Sideeda xil ee uu magacaabay ayaa isugu jiraan wasiir ku xigeen, agaasimayaal hay’adaha madaxbanaan ee dowladda, ku xigeenka badhasaabka gobolka Awdal iyo jagooyin kale.

Akhriso magacyada xubnaha la magacaabay.

1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland
3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal
7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

HORSEEDMEDIA