golis

Madaxweyne Biixi oo Cafis u Fidiyay 19 Maxbuus oo ku Eedaysnaa Falal Burcadbadeednimo

Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu Cafis U Fidiyey 19 Maxaabuus oo laga soo wareejiyey Dalka Seycheles , kuwaasoo u xirnaa falalka Budhcad-badeednimada.

Wuxuu sheegay in maxaabiistan Maxaabiista u xidhan dambiyada budhcad-badeednimadu in muddadii ay ku jireen xabsiyada Somaliland loo sameeyay dhaqan-celin iyo toosin, taasina ay keentay in ay la yimaaddaan dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan, kana tanaasulaan falalkii budcad-badeednimo;

Madaxweyne Biixi, wuxuu kaloo sheegay in codsi uga yimid Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista budhcad uu u cafiyay 19 maxbuus.

Magacyada maxaabiista la sii daayay

1) Maxamed Axmed Ciise
2) Cadow Cali Cismaan
3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi
4) Axmed Cali Cismaan
5) Axmed Cali Siciid
6) Maxamed Axmed Cali
7) Bashiir Khaliif Xaashi
8) Cabdirisaaq Maxamed Cali
9) Cabdifataax Axmed Xasan
10) Nuur Maxamed Aadan
11) Jamaal Maxamed Cali
12) Cali Maxamed Cali
13) Cabdillaahi Maxamed Xasan
14) Cabdi Tahliil Xasan
15) Daahir Cabdillaahi Warsame
16) Cabdiqaadir Cabdi Cali
17) Cabdinuur Xaaji Aadan
18) Maxamed Maxamuud Xasan
19) Abuukar Axmed Ciise

Sida uu dhigayay heshiis dhexmaray qaramada midoobay, Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa lagu soo wareejiyay maxaabiistii ku xirnaa jasiirada Sychels iyo meel kale oo caalamka ka mid ah, iyadoo taa badelkeedana loo dhisay xabsiyo lagu hayo maxaabiistaas iyo mashaariic kale.

HORSEEDMEDIA