golis

Deni oo La Kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Oo Ka Qaybgalaya Xuska 1da August

Madaxweyne Deni oo caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh.

Garoowe: 29, Luulyo,2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland.

#Garowe – Madaxda Puntland oo kulan xog-waraysi ah la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Posted by Horseed Media on Tuesday, July 30, 2019

HORSEEDMEDIA