golis

Ciidamada Kenya ee AMISOM oo laga jaray kalabar Miisaaniyada hawlgalka

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay soo gaartay sanadkan kalabar miisaaniyadii ciidamadooda ku hawlgali jireen oo ay intooda badan bixiyaan dalalka EU-da.

Dalka Kenya ayaa horey u qorsheeyey miisaaniyada ciidamadooda ka hawlgala in sanadkii ay ku baxdo 8.5 bilyan oo Shilling, balse waxaa soo gaartay bishii hore ee June lacag dhan 4.5 bilyan taasi oo ah kalabar intii ay ka filayeen inay ka helaan Midowga Yurub.

Xukuumada Kenya ayaa iyadu sheegtay inay dhimi doonto ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM oo gaaraya 4000 askari, xili la qorsheenayo inay ciidamada AMISOM guud ahaa dalka ka baxaan sanadka 2021.

Midowga Yurub ayaa horey u sheegay inay sii wadi doonaan taakulada dhaqaale ee siiyaan AMISOM illa sanadka soo socda ee 2020.

Waxaanse walaac laga muujinayaa dib u dhaca ku jira qorshaha la doonayo in hawsha AMISOM lagu wareejiyo ciidamada Qaranka Soomaaliya sanadka 2021 iyadoo aan weli lagu guuleysan hirgelinta Qorshihii kala guurka ee Dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ku dhisayeen ciidamada isku dhafka ah ee Qaranka.

Horseed Media