golis

Khayre Oo La Kulmay Guddiga Qaban-Qaabada Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo kasoo laabtay socdaal ay ku mareen deegaannada Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar-gelinta qorshaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ka mira dhalinta shir-weynaha Dhuusamareeb ka furmaya August 05,2019 ee la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si la isugu diyaariyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay najiijadii kasoo baxday kulamadii ay la qaateen iyo farriintii ay gaarsiiyeen bulshada deegaannada Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga faray in laba jibbaaraan dadaallada ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran shirka si loo gaaro hadafka guud oo ah in la helo Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta bulshada reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarinta qarannimada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaatay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019.

HORSEEDEDIA