golis

Kuuriyada Waqooyi oo markale tijaabisay Gantaalo

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Arbaco ah tijaabisay labo gantaal oo la sheegay inay yihiin kuwa ridada dheer, tijaabadan ayaa ah middii labaad oo ay xukuumada Pyongyang sameyso wax ka yar todobaad.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale labo gantaal u tijaabiyeen.

Labada gantaal ee maanta la tijaabiyey ayaa subaxnimadii Arbacada kusoo dhacay meel 250km u jirta halkii laga soo ganay, waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhaceen badda Japan.

Tijaabada cusub ee gantaalada ee dowlada Kuuriyada Waqooyi bilowday ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid ay digniin ugu direyso dalalka Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo qorsheenaya in bisha soo socota dib u bilaabaan dhoolatuska militari oo ay sanad walba qabtaan.

Horseed Media