golis

Somaliya oo ku biirtay dalalka Difaacaya Xariga China ku heyso Muslimiinta!

Wadanka Soomaaliya ayaa kamid noqday dalalka difaacay xabsiga iyo Raafka ay dowlada China ku heyso muslimiinta laga tiro badan yahay ee dalkaasi.

Qoraal ay saxiixeen 37 wadan oo ay Soomaaliya ku jirto oo u badan Afrikaan iyo dalalka Aasiya ayaa lagu difaacay siyaasada dowlada Shiinaha ee ku aadan muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang.

In ka badan 1.5 milyan oo muslimiinta ku nool gobalkaasi Xinjiang ayaa hada ku xiran xeryo ay u sameysay xukuumada China oo sheegtay inay dadkaasi yihiin xagjir ay dhaqan celin u sameynayso, balse hay’ada xaquuqul insaanka ayaa sheegay in dadkaasi muslimiinta ah kaliya loo xiray diintooda.

Arrintan ayaa keentay in dalalka Reer Galbeedka ay cambaareeyaan falalkan ay dowlada Shiinaha ku heyso muslimiinta, horaantii bishan Luulayo ayey dalal u badan kuwa EU-da qoraal ay u gudbiyeen Golaha Qaradamada Midoobay xaquuqul Insaanka u qaabilsan ku cambaareeyeen ololaha Dowlada China ay ku cadaadineyso muslimiinta Xinjiang.

Waxaana kamid ahaa dalalkaasi u dooday xaquuqda Muslimiinta China:
Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Iceland, Ireland, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK

Waxaa xusid mudan in wadamadan u dooday Xaquuqda Muslimiinta China uusan ku jirin hal dal oo Muslim ah.

Balse waxaa la yaab noqotay maalmo kadib inay iyaguna waraaq kale ka dabo qoreen dalal gaaraya 37 oo u badan Muslimiin oo ay hogaamineyso Boqortooyada Sacuudiga, dalalkaasi oo difaacaya dowlada China oo ay la leeyihiin xiriir ganacsi iyagoo difaacay gabood-falada China ku heyso muslimiinta ku nool dalkeeda.

Dalalka difaacay siyaasada Dowlada China ee ku aadan Muslimiinta Xinjiang waxay kala yihiin:

Algeria, Angola, Bahrain, Belarus, Bolivia, Burkina Faso, Burundi, Cambodia, Cameroon, Comoros, Congo, Cuba, Democratic Republic of the Congo, Egypt, Eritrea, Gabon, Kuwait, Laos, Myanmar, Nigeria, North Korea, Oman, Pakistan, Philippines, Qatar, Russia, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Togo, Turkmenistan, United Arab Emirates, Venezuela, iyo Zimbabwe.

Dowlada Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada doonaya inay xiriir fiican oo ganacsi la yeeshaan dowlada China, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay in muddo ah oo ay dowlada Soomaaliyeed difaacdo siyaasada China ee ka dhanka ah muslimiinta ku nool dalkeeda.

Khalid Yusuf
Horseed Media