golis

UAE: Waa Nasiib Daro Falalka argagaxisada ee Qatar ka wado Soomaaliya

Wasiirdul dowlaha Imaaraatiga u qaabilsan Arrimaha Dibada Anwar Gargash ayaa sheegay inaan indhaha laga qarsan karin warbixintii Jariirada New York Times oo shaacisay cod sir ah oo laga duubay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya iyo Maalqabeen Qatari ah oo ka sheekaysanaya weerar ka dhacay magaalada Bosaaso bishii May ee sanadkan.

Warbixintii jariirada New York Times ee codka laga duubay maalqabeen Al Muhanadi oo ah nin si aad ah ugu dhaw Amiirka Qatar Sheikh Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Muqdisho ayaa la sheegay inay ka sheekaysanayeen hawlaha ay “saaxiibadooda” ka fuliyeen magaalada Bosaso, gaar ahaan qaraxii bishii May ka dhacay xarunta ganacsiga ee Puntland.

Inkastoo aysan si rasmi ah u beenin cododkooda labada nin ee laga duubay ayey hadana dowlada Qatar sheegtay in warbixintaasi ay tahay mid aan waxna ka jirin, iyadoo iska fogeysay weeraradii ka dhacay magaalada Bosaaso oo la rumeysan yahay inay ahaayeen kuwo la doonayey in lagu cabsi geliyo shirkada DP world ee laga leeyahay Imaaraatiga oo maamusha dekkada Bosaaso.

Anwar Gargash Wasiirul Dowlaha Arrimaha Dibada ee Imaaraatiga ayaa yiri ” Waa nasiib daro in Qatar ay falal argagaxiso u adeegsaneso Imaaraatiga, waxayna tani cadeyn u tahay inuu ahaa go’aan saxan cunaqabateyntii aan saarnay wadanka Qatar..”

Horseed Media