golis

Duqii Muqdisho Eng Yariisow Oo Ku Geeriyooday Wadanka Qadar

Guddoomiyihii gobolka Banaadir, islamarkaan ahaa duqa Muqdisho waxaa Injineer Cabdiraxman Yariisow ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yawl magaaladda Dooxa ee dalkaasi Qadar.

Guddoomiye Yariisow ayaa dhaawac culus uu ka ka soo Gaaray Qarax Todobaadkii ka hore ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banadir, kaasi oo ku dhinteen ilaa 6 qof, 15 kalena ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

HORSEEDMEDIA