Sidee Alshabaab u Shaqeeyaan? ( Xogta iyo Xaalada Qarsoon ee Mudug)

Published: August 1, 2019

Gaalkacyo waa xarunta gobalka Mudug, waa xudunta ama bartamaha dalka Soomaaliya, waa halka isku xirta Hargeysa,Bosaso,Muqdisho & Jigjiga oo ah dhulka Soomaali Galbeed magaalo madaxdiisa, waa halkii ay ka dhaceen dagaaladii ugu xuma ee Sokeeye,markii ay meesha ka baxday dawladdii Milateriga ee Soomaaliya, Waa magaaladii 1993-dii Soomaali oo is leynaysa si fudud u garatay in nabad laga dhaliyo lana wada dego, inkastoo ay mararka qaar ka dhacaan Isku dhacyo hubeysan oo labada dhinac ah.

In ka badan 10 sanno magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana dhanka Waqooyiga ee ay mamusho Puntland waxaa ka socda dilal, qaraxyo iyo ficilo Qarsoon oo lagu beegsaday dad iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada,ma jiro nooc laga tagay si wadajir ah ayaa loo dilay, qof kasta oo la dilayna wuxuu qofka kale kala mid ahaa saacadaha, qaab dilka iyo baxsashada kuwa dilka geysta, marka laga reebo 2 dil oo raggii ka dambeeyey isla xiligaas la dilay 

Laamaha Ammanka, maamulka gobalka & Kan degmada Gaalkacyo ee 10-kaas sanno laysku bedelayay, waxay iskaga mid yihiin qaab ka hadal Idaacadaha & Janaasada meydka marka la aasayo oo ay sheegaan in ay dad-hayaan baaris socoto, saxaafaddana lala wadaagi doona, ayna kor u qaadi doonaan Ammaanka & Ku eedeynta in ay kooxo Argagixiso ka dambeeyaan dilalkan.

10-kaas sanno majirto Istaraajiyad guuleystay oo looga guuleystay dadka geysta ficiladan, sidaas oo kale majirto aragti isku duuban oo mar uun la tijabiyey, majirto ka dhabeyn dawladeed oo arrintan si xaqiiqo ah u wajahda, mar kasta oo ay Madaxtooyada ku badato hadal-heynta Gaalkacyo waxaa la sameeyaa soo saarida wareegtooyin ay xil ka qaadis ku muteystaan masuuliyiinta gobalka, Amniga & Degmada, taas oo laftirkeedu marar badan qeyb ka noqota ficilada  soo kordha.

Baaritaan iyo Dabagalka aanu ku samaynayn arrintan waxaan helnay xogo iyo macluumaadyo la yaab leh oo xasasi ah, kuwaas oo ay nala wadaageen dad kala duwan, laakiin dhammaantood waxay ay ka sinaayeen ama wada diideen isticmaalka magacyadooda, iyo wax kasta oo lagu garan karro, taasna waxay muujinaysa heerka ku loolanka awooda gobalka Mudug ee dhinacyo qarsoon iyo kuwa muuqda.

Khuburadda Amniga ee gobalka sida weyn ula socota, waxay sheegeen in Amniga Gaalkacyo loo qeybiyo sadex qeybood oo muhiim ah, una kala horeeya sidan kalana ah, Isku dhacyada hubeysan ee labada maamul, Dilalka, Qaraxyada, weerarada qarsoon iyo Dadka isticmaala Maandooriyayaasha & Tuugada.

Isku dhacyada labada maamul ayaa sannadyadii 2015 iyo 2016 gaaray halkii u sareysay tan iyo dagaladii Sokeeye 1991-kii, waxayna galaafteen ku dhawaad 200 oo qof  dhimasho iyo dhaawac ah,waxa barakay oo aan dib ugu laaban gobalka Qoysas badan. Dagaaladan, waxaana sabab u ahaa Siyasaddii doorashadii 2016-kii, dhismihii Galmudug, Diidmadii Puntland oo ay jilayaan ka ahaayeen Puntland, Galmudug & Dawladda Faderaalka.

Dilalka iyo qaraxyada Qorsheysan, ma gaarin heer hooseeya, balse rubuc dhamaadkii 2018kii, waxay noqdeen kuwa hoos u yara dhacay, taas oo ay sabab u ahaayeen saameynta Shabaab ee gobalka oo sare u kacday iyo dadka oo ay ku soo rogeen amaro lana fuliyey, laakiin April 2019kii wixii ka dambeeyey dhammaan wey kordheen ficilada beegsiga cid kasta oo waxgalka bulshada ah ee gobalkaas

Maandooriyayaasha iyo Tuugada furata mobilada ayaa sare u kacay sannadihii lasoo dhaafay, sannadkii 2019kii bilowgii hore waxay gaareen halkii ugu sareysay oo ay labada xaaladood ee horeba dhaafeen, ilaa ay ka dhaceen ficilo Argagax leh oo kufsi gobalka Bishii Feb 2019kii, kuwaas oo gacanta lagu dhigay kuwii ka dambeeyey.

Sannadkii u dambeeyey, waxa hoos u dhacay isku imaatinkooda, kala shaki ayaa soo dhexgalay gudahooda, sababo la xariira falalka amaan darro, waxaa kaloo haysta caqabadaha aysan la shaqeyn Karin oo uga yimaada xagga Xukuumada Puntland, sida ay ii sheegeen xubno katirsan oo ay ka mid tahay shaqadooda oo aan loo madax banaaneyn iyo faragalin toos ah.

Isku xiranka bulshada iyo Booliska ayaan jirin, waxaana waxyaabaha aan ogaanay ka mid ah ficilo muujinaya argagax iyo amakaag oo ay qeyb ka yihiin Booliska, kuwaas oo ku wajahan sida aysan marnaba ugu soo jeedin wax ka qabashada Amniga iyo la shaqeynta shacabka oo ay marar badan iska diidaan wargalinta dadweynaha ee khataraha Amni.

Goobjooge magaciisa aan qarinay, una soo joogay dhacdo la xariirta xariirka Booliska ee mararka dadweynuhu lasoo hadlaan iyo Saraakiisha Amniga ayaa u sheegay barnaamijka xog kooban, waxaana naga xasuus ah in Barnaamijyadeena dambe aad ku heli doontaa macluumaad faah-faahsan.

Taliska qeybta Booliska ee gobalka waqtigas joogay oo an la xariiray si aan wax uga weydiino eedeynta iyo arrinta ku saabsan in aysan jirin wada shaqeyn, wey ka gabsadeen in ay ka hadlaan, waxaanse ka soo xiganayaa Sarkaal sare oo katirsan Booliska isla dhacdadan dadweynuhu u sheegeen barnaamijka mid lamid ah oo uu goobjoog u ahaa, igana codsaday in an magaciisa qariyo.

“Marar badan ayay dhacaan waxyaabahan oo kale, xili ban xasuustaa niman dhalinyarro ah ay yimaadeen qeybta oobiga ee Saldhiga magaalada Galkacayo, waxay soo sheegeen dad lagu tuhunsan yahay amni-darro oo xaafad deganaa, markii Oobigii laga dhameeyey iyo xogtii baa sarkaal meeshas joogay wuxuu sameeyey in uu lasoo baxay telfoonkiisa, oo uu qof la hadlay, oo aan is leeyahay waa kuwii la dacweeyeyba, waxaan maqlay isagoo ku leh ka baxa gurigaas deriskaa idin soo sheegaye’e” ayuu yiri Sarkaalkan oo diiday codkiisa xataa in an bedelno” ayuu yiri goobjooguhu

Gaalkacyo, waxaa si buuxda ugu loolamaya shabakado is-baacsanaya, kuwaas oo yoolkoodu yahay gacan ku heynta gobalka, waxaana kooxaha aan qarsooneyn kamid ah Ururka Al- Shabaab oo dilal iyo qaraxyo ka geysta gudaha magaalada Gaalkacyo.

Waxay geystaan dilal ay si toos ah u sheegtaan, ilaa heer ay gaareen in qof la dilay ay ehelkiisa wacaan kuna wargaliyaan in aan cid kale loo raacan Karin, mararka qaarna ay dhacday in qof ay dileen ay Mag siiyaan qoyskii ay ka dileen, sida uu sheegay Samatar  Axmed Ciise oo ah magac aan sax aheyn oo an qarinay sababo ammaan awgeed.

Kuwaas ayaa noqonaya waxyaabaha ugu waa weyn ee diiradda aan saari doono,Inta uu socdo barnaamijkeenana oo aan Taxane qeybo kale duwan iskugu jiri doona.

Xiligan waa fiidnimo qof kamid ah waxgaradka magaalada ee nabadda, iyo wadajirka bulshada caan ku ahaa ayaa la dilay sannadkuna waa bilowgii 2019, Salaada Cishe ka dib ayaa la dilay, goobtu waa agagaarka Masaajidka oo uu kasoo baxay, kooxaha dilku wey baxsadeen, ka dib Waxay saacad uun ka dib markale waceen ninka la dilay saaxiibkiis oo ay galabnimadii wada joogeen, oo ay u direen fariin cabsi galin ah.

Ma aysan uga harin intas oo kaliya, markii ay ogadeen in uu u hogaansamay amarkoodii digniinta ahaa ee dilka ay ugu hanjabeen bil kahor, waxay markale u soo bandhigeen in uu U shaqeeyo, si uu uga nabadgalo, uuna qeyb ka noqdo kulamada Amniga iyo shirarka muhiimka ah si ay uga helaan macluumaadka iyo waxyaabaha looga hadlo kulankaas, ee iyaga kasoo horjeeda.

Wicitaanada telfoonadan oo dadka loo hanjabaa la wadagaan shirkadaha telfoonadu uma sheegaan, waxayna sheegeen in aysan sharcigooda ku jirin in ay qofkaas ogaadaan halka uu kusugan yahay oo uu wicitaankaas ka sameynayo, awoodda ay u leeyihiin oganshaha ka sokow, waxay ka cabsanayaan in laftirkoodu ay bartilmaameed u noqdaan shabakadahan halista ah.

Samatar oo kamid ah dadkii aan la hadalnay intii aan baaritaankan wadnay ayaa nala wadaagay dhacdo kale oo la xariirta sida ganacsatada laftirkeedu u wajahday halistan, waxaana dib ka ogaan doonaa sida ay labada dhinacba Ganacsatada uga qaadaan dhaqaale ay gartay halkii u sareysay.

DIB U MILICSI TAARIIKHDA ALSHABAAB EE GOBOLKA

Dilkii ugu horeeyey oo ay fuliyaan dad aan la aqoonsan wuxuu dhacay bishii June 11 2008-dii, waxaana isagoo Salaad kasoo baxay lagu dilay Ganacsade Xassan Axmed Cali (Xassan Yare) oo ahaa ganacsade katirsan kuwa magaalada Gaalkacyo, ilaa 2008dii ilaa waqtigan waxaa socda dilalka qorsheysan.

August 2008-dii iyo Jan 2009-kii, ayaamihii gabaabsiga mudo xileedkii Madaxweyne Cadde Muuse Allaha u raxmadee Ammandaradda Gaalkacyo ayaa korortay, Isimadda gobalka ayaa isku howlay dhismaha guddi Nabadgalyo oo ka madax banaan dawladda, iskuguna jiray qeybaha bulshada oo dhan, kaas oo si rasmi ah wax uga qabtay xaaladda Amniga.

4 bilood oo ay guddigan shaqeynayeen waxay ku guuleysteen.

  1. 1.Dhismaha ciidan nabadgalyo oo madani ah.
  2. 2.Tababaran oo ay siiyaan Mushahaar joogto ah
  3. 3.Amniga oo soo hagaagay
  4. 4.Isku xiranka bulshada oo hagaagay

Guddigan ayaa ku caan ahaa magaca G37, oo loola jeedo tiradooda oo ka koobnaa 37 xubnood, xiligaas waxaa si weyn uga soo horjeeday madaxweyne Cadde Muuse & Wasiirkiisa Maaliyada ee xiligaas oo u arkayay in ay caqabad ku yihiin iyaga iyo sharciyada dawladnimada.

Guddigaas ka koobnaa  37 xubnood, maanta waxaa ka nool wax kayar 12 xubnood, intooda kale ayaa siyaabo iyo waqtiyo kala duwan lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo, waxaan dadka la dilay kamid ah.

  1. 1.Nabadoon Xuseen Cali Dude
  2. 2.Col, Yaasiin Tolwaaye.
  3. 3.Nabadoon Nuur Xassan Cismaan
  4. 4.Nabaddoon Xassan Xuseen Waloore
  5. 5.Ganacsade Cumar Dheere
  6. 6.Ganacsade Cali Jaamac Biixi
  7. 7.Ganacsade Maxamuud Sh Cismaan
  8. 8.Xildhibaan, C/raxmaan Axmed Koodhaa
  9. 9.Xildhibaan, Siciid Xuseen Nuur Dirir
  10. 10.Nabadoon, Cabdiqani Cali Baale. Iyo qaar kale.

Puntland, 10-kaas sanno waxay soo saartay amaro kala duwan oo lagu xoojinayay magaalada, laakiin midkoodna ma noqon mid meesha ka saara qaraxyada iyo dilalkii socday, waxaana jirtay in Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ay isku howshay in lasoo afjaro ammaan-daradda gobalka, laakiin dadka aan la hadalnay qaarkood ayaa rumeysan in ay xiliyadaas uga dartay oo ay jireen dagaalo beelo hubeysan ay qeyb ka ahaayeen iyo sidaas oo kale isla Xukuumadda oo qeyb ka noqotay xaaladda, maadaama waxba qaban weyday.

Bilowgii 2010-kii ilaa bartamihii 2011-ka gobalka waxaa ka bilaabatay qorshe loogu magacdaray Aayo katalinta gobalka Mudug, waxaa hormuud u ahaa xubno badan bulshada gobalka ah, waxaana keenay in ay isku tagan yimaado, dhawr arrimood oo ay noo xaqiijiyeen xubnihii ka shaqeynayay oo kala ah.

Dilalka oo ahaa kuwa iska socday, cid kasta la dilay, Wada shaqeyn la’aan maamulka dawladda oo casar dheer magaalada ka xaroon jiray, Wareegto magacaabid iyo ciidamo lasoo diray oo uu ahaa xalka Xukuumadda Puntland, gobalka oo dib uga dhacay dhammaan gobalada Puntland iyo Manaanaasho cid kale oo aan Dawladda ahayn oo buuxisa meeshiii dawlada ka dhimanayd.

Bilowgii labaad ayuu ahaa ee wax looga qabanayay xaaladda Gaalkacyo oo xiligaas ay ka dhacayeen dilalkii ugu badnaa oo loo geystay nooc kasta oo bulshada ah oo aan cidna la dhaafin.

Isku daygan wuxuu ku guuleystay.

1. Abuurid, isku duwid iyo maamulid kacdoon aad u mugweynaa oo dhawr bilood socday. Dhalinyarada oo dhawr kun gaartay ma jirin qofaan diiwaan gashanayn oo xaafad waliba laan ka sii tirsanayn. 

2. Waxaa aad u yaraaday danbiyadiii iyo dilalkiii waxaana la ogaaday In dadkii shacabka lahyn jiray oo markiiba ka baxeen magaalada . 

2. U bareerid In la wajaho dhamaan waxyaabihii gobolka la daalaadhacayay.. sida dilalkii labeenta iyo waxtarkiii gobolka, 

3 Samayn hanaan amaan oo fudud. Kala qaybinta xaafadaha Magaalada ee degaanka u ah Puntland oo laga dhigay 13 ardaa ( section) Garsoo 5, istaac 5, horumar 3 oo qayb kastaa dhalainyaro iyo hooyooyinka aaggaas lagu kabayo maamul kii horay u jiray, sidoo kale Ciidan madani ahina ka shaqaynayo. Guri kasta waxaa lagu sigtay In la ogaado inta qof oo ku jirta iyo profile kooda. 

4. Xaafadaha oo luuqluuqyadiii In badan la xiray laguma xiray laambado habaynkiii ifa, si aan danbiyada gaysashadoodu u qarsoomin. 

4. Dhismaha ciidan madani ah oo 185 xibnood ahaa oo dhawr bilood waxuu a la siiyey, 

5. Jaalliyadda gobolka oo kacdoonkiii Aad iyo aaad garab iyo Gaashaan intaba la istaagtay. 

6.  Saxaafadda oo ahayd isha uu kacdoonku xoogga ka helayay waxay dhabarka u ridatay inay waajibkaa Hogan ka noqdaan oo meel Martian, waxaana dhalainyardiii ugu qiimaha badnayd isu qaybiyeen kuwa kacdoonka horseeda iyo dhacdooyinka tabiya dadkana wacyi galya. 

9. Abuurid (identity ) ama hawiyad Magaalada galkcyood iyo mid wadani ah oo guud oo dhalainyarada isu keeenta, Lahaansho.

Waxaan ogaanay in qorshahaas u socon waayay sadex kooxood.

  1. 1.Kooxda Al- Shabaab, oo u arkaysay waxa laga shaqeynaya dabar go’eeda, ayna soo dhamaatay ayaamihii ay ku dhex-qarsoomi lahayd bulshada magaalada, taasna waxay kaliftay in ay wado kasta u maraan sidii loo fashilin lahaa,ilaa la dilay Dhalinyarro, Odayaal, Culumo iyo cid kasta oo door ku lahayd barnaamijkan, oo uu labo jeer Qaraxyo ka badbaaday Suldaan Cabdisalaam oo ahaa Isimka sida weyn uga dhex muuqday.
  2. 2.Dowladii Puntland xiligaas oo u aragtay in uu caqabad ku yahay nidaamka aaya katalinta, kuna qaaday duulaan ah in la burburiyo lana kalajabiyo xubnihii ku mideysanaa oo qaarkood xilal loodhiibay, Garoowe-na iskugu yeertay 40 kamid ah Odayada Mudug si loo joojiyo barnaamijkan oo ay u aragtay Kacdoon siyaasadeed sababi kara in ay Mudug ka baxdo gacantooda oo ay noqoto meel iskeed u madax banaan.
  3. 3.Dhamaan xubnihii aayakatalinta oo Qaar la dilay, qaar la cabsigaliyey,kuwaas oo markii dambe cabsi awgeed uga baxay deegaanka, una arkay halis weyn oo soo wajahday, hanjabaadaha iyo dilalkuba waxay ka imaanayeen dhinacyo is biirsaday oo leh magacyo is huwan, Waxaana la dilay 
  4. 1.Sheekh Xuseen Khaliif
  5. 2.Sheekh Ismaaciil
  6. 3.Wariye Cali Axmed Cali
  7. 4.10 kamid ah ciidamadii Madaniga oo ay weeraro gaadmo ah ku dileen Al- Shabaab
  8. 5.Dhudi Yuusuf 
  9. 6.Col, Faray
  10. 7.Cabdi-Kacaan 
  11. 8.Col, Dhagaweyne
  12. 9.Aaden Faarax Dheere.

Isku daygii labaad ayaa halkaas kusoo gabagaboobay oo ay bulshada, 

Lacagaha la aruuriyey oo aan loo heynin wax xisaabcelin ah, Leyrarka iyo laambadaha waxaa bixiyey shaqsiyaad Gudoomiye kuxigeen Duqa magaalada Gaalkacyo Farxaan Cali Xaad.

Xiligu waa Auguts 2011-kii, madashuna waa Aqalka Madaxtooyada ee Garoowe, qeybaha gobalka Mudug oo dhan ayaa lagu casumay madal wada hadal oo ay martiqaadkeeda lahayd Madaxtooyada, waxaa laga hadlayaa amniga gobalka & Dilalka qorsheysan.

Ergada Mudug ee kulankaas & Madaxweyne Faroole waxay u wada hadleen si furan, waxaana laysla soo qaaday dhinac kasta khaladka uu leeyahay, waxaana Madaxweynihii xiligaas uu ku hanjabay in uu qaadi doono talaabo adag oo ka dhan ah waxa ugu yeeray Unugyo Argagixiso, oo uu sheegay in ay kusugan yihiin Gaalkacyo, iyadoo Xukuumaddu ay soo bandhigtay liis ay ku qornaayen magacyo dad la baadi-goobaya oo ka mid ah beelaha gobalka Mudug.

Ka qeybgalayaashii kulankaas qaar kamid ah ayaa la dilay wixii xiligaas ka dambeeyey, sababaha dilkooda ayaana ahaa in ay qeyb ka noqdeen kulamo looga hadlayo sidii ay amni u heli lahayd Gaalkacyo.

Mid kamid ah xubnihii ka qeybgalay oo badbaaday ayaa uga waramay Barnaamijka, wixii uu la kulmay markii uu kasoo baxay shirka galabkaas oo bacdal afur la wada hadlay.

Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu hordhigay qeybaha Mudug liis uu sheegay in ay Xukuumaddiisu u aragto in ay caqabad ku yihiin Amniga Mudug iyo goobo uu sheegay in ay yihiin asaaska amaan-daradda oo ay tahay in talaabo ciidan lagu wajaho, kuna yaala gudaha Gaalkacyo.

Waxgaradka oo dhan ayaa saxiixay in ay diyaar u yihiin garab-siinta ciidamadaas, dhammaadkii bisha August ee 2011-kii, waxaa Gaalkacyo loo diray ciidan dhan 350 Askari oo u badan ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, kuwa Daraawiishta oo laga keenay furimaha Buuraleyda Galgala iyo kuwa ay taageerto dawladda Mareykanka ee PSF-ta.

Howlgalkaas oo markii dambe laga leexiyey yoolkiisa ayaa ahaa, sida ay ii sheegeen xubno katirsanaa Taliska ciidamada, maamulkii gobalka iyo Kii degmada ee waqtigaas, kii ugu weynaa ee la doonayay in wax looga qabto Ammaan-daradda Gaalkacyo, laakiin xagal-daacinta iyo fashilkaba ay ka shaqeysay Isla Xukuumadda Puntland iyo siyaasiinta gobalka Mudug ee xiligaas banaanka ka joogtay fagaaraha siyaasadda.

Liis sir ah oo uu aanu helnay ayaa iftiiminayay in   yoolka howlgalkii September ee Gaalkacyo uu  ahaa in lagu beegsado shaqsiyaad la tuhmayay oo ay ku jiraan Ganacsato, Odayaal, Culumo iyo xubno lagu eedeynayay in ay gabaad iyo garab u yihiin Kooxaha argagixiso, sidaas oo kale Liiska waxaa safka hore uga jira magacyada ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Muumin oo hadda ah Horjoogaha Daacishta Soomaaliya, Xassan Takar oo katirsan Wadaada Al- Shabaab, Caynaanshe Geyre a, Ismaaciil Guuleed iyo Yacquub Cabdi Calow.

Isku daygii 3aad ee ay hogaamisay Xukuumadda Cabdiraxmaan Faroole ayaa kusoo dhamaaday fashil, ka dib markii laga leexiyey Toobiyihii la dagaalanka kuwa amaandaradda waday, Howlgalkii ciidanka ayaana loo leexiyey mid u suureysan hab qabaa’il, Ugu dambeynatiina wuxuu kusoo dhamaaday dagaalo khasaare geystay oo Isimaddu ay nabadeyn u galeen Madaxtooyada & mid kamid ah beelaha Mudug.

4-tii September 2011-kii, Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da ayaa kusoo gaba-gabeeyey In dagaalkii Gaalkacyo uu joogsaday, isla markaasna fursad lasiinayo Nabadda iyo In beelaha Mudug ay iska sifeeyaan kooxda Al- Shabaab, halkaas oo ahayd Rajadii 3aad ee ay Shacabka Gaalkacyo naawilayeen in lagala dagaalamo kooxaha dilalka geysta.

Isku daygii 4aad ee Nabad-raadinta Gaalkacyo, waa Subaxnimo Isniin ah 7 April 2014, Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa kusii jeeda Gaalkacyo, laakiin soo dhaweyn ayay u noqotay dhacdo lagu dilay labo kamid ah Shaqaalaha Hay’addaha caalamiga ah oo Askari katirsanaa ciidamada Amnigu ku dilay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waa dhacdo aan wax badan ka duwaneyn soo dhaweyntii 5-ta August 2009kii Cabdiraxmaan Faroole ay kusoo dhaweysay Gaalkacyo, markii maleeshiyo beeleed ay dil u geysteen Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland Warsame Cabdi Shirwac.

Cabdiweli Gaas dad badan ayaa hami ka qabay in wax laga qabto xaaladda Gaalkacyo, in ka badan 40 maalmood ayuu joogay magaalada, Xukuumaddiisii ayaa xooga saareysay sidii ay u nabadeyn lahayd magaalada oo wax badan uga bedeli lahayd, waxay dhistay golle deegaan oo ay ku xoogan yihiin dhalinyaraddu, dilalka ayaa hoos u dhacay, waxayse kaliftay caqabad kale o oculus taas oo ah Burbur dhaqaale oo baahsan, ka dib markii xarumaha dawladda oo ay amartay in laga baxo ay dad badan ku barakaceen, sidaas oo kale isla xarumahaas ayaa si musuqmaasuq hareeyey dib loogu iibshay.

Barakacii ugu xooganaa ayaa ka dhashay dagaalo ay gashay Xukuumaddaas oo ay la gashay deriskeeda Galmudug, kuwaas oo albaabada u laabay rajada kaliya ee ay xiligaas Mudug qabtay oo ah in Madaxweyne Gaas uu noqdo mid ka dhabeeya in Gaalkacyo ay hoy u noqoto Soomaali isku duuban.

Waa maalinimo Axad ah, 21 August 2016, Suuqa weyn ee Xero-Dayax oo ahayd Xero Milateri loona rogay suuq ganacsiyeed laga helo dhammaan adeegyada asaasiga ah, oo ay ka dhistay Xukuumadda Cabdiweli Gaas ayaa bartilmaameed u noqday qaraxii ugu weynaa ee abid ka dhaca Gaalkacyo, kaas oo ka koobnaa labo Ismiidaamin oo lagu weeraray Xarunta dawladda Hoose oo kutaalay isla gudaha Xerada. 

Bartilmaameedka weerarku wuxuu ahaa Wasiiro katirsanaa Xukuumadda Puntland oo uu hogaaminayay Allaha u raxmadee Wasiir Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Duqa magaalada Gaalkacyo, xubnaha golaha deegaanka iyo xubno kale, balse abaabulayaasha qaraxyada ayaa kahordhacy inta aysan xubnahan isku imaanin. 

In ka badan 50 qof ayaa dhimatay, wuxuuna noqday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee halmar ka dhaca gudaha Puntland, is weydiimo waa weyn ayaa soo baxay, Xukuumadda oo joogitaankeeda gobalku uu sareeyeyna waxay ku noqotay boog-weyn oo u baahatay in jawaabo cad cad loo helo. 

Dad kala duwan ayaa lasoo xiray, dhammaantood dadkaas ayaa dib looga sii daayay xabsiyada, majirin baaris weyn oo la mariyey iyo habayaraatee in aan dib loo raacan. Xogaha aan ogaanay waxaa kamid ah in isla xiliyada ay weeraradas dhaceen guddigii howshan loo xilsaaray Al- Shabaab u hanjabeen oo ay u adeegsadeen cabsigalin gaartay halkii u sareysay, waxaana jiray in ay toos u qiranayeen wax kasta oo socday oo ay xataa xogaha dadka is qarxiyey iyagu bixiyeen.

4 maalmood ka dib qaraxii saameynta xun reebay, Madaxweyne kuxigeenkii xiligaas Cabdixakim Cumar Camey, waxay soo rogtay amaro culus oo ay kamid yihiin in gaadiidka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa u socda ee kasoo baxa Marsada Boosaaso ay rarka ama agabyada ay wadaan kulak ala wareegaan magaalada Gaalkacyo.

Xog sirdoon oo aan helnay waxay hoosta ka xariiqaysaa in sababaha go`aankaas ku yimi ahayd in la ogaaday in gaadiidka ka yimaada Koonfurta ee kusii jeeda Puntland aan la baarin, ayna soo qaadaan Jaakadaha waxyaabaha qarxa iyo agabyo muhiim u ah Al- Shabaab, taas oo lagu helay macluumaad.

30-kii August, Puntland waxay shaacisay magacyada dad la baadi-goobayo oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii Gaalkacyo iyo ficilada Argagixisadda ee gobalka, dhammaantood waxay kasoo jeedaan Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada, waxaan ogaanay in liiskan laga reebay xubno kale oo Shabaab lagu tuhmayay oo lagu helay cadeymo in ay wax ka abaabuleen qaraxii Gaalkacyo, iyadoo sababta reebidana ay qeyb ka ahaayeen saraakiisha Sirdoonka, oo laftirkoodu xubnahaas u arkayay in ay ilo wardoon u yihiin.

Waxaan ogaanay in ay Al- Shabaab ka shaqeysay sidii go`aanka Puntland oo dhabarjab weyn ku ahaa uusan uga hirgali-laheyn gobalka Mudug, waxay adeegsatay Odayaal, Saraakiil maamul iyo dhinacyo kala duwan oo katirsan Galmudug & Puntland, si loo huriyo dagaal cusub oo dhexmara labada maamul.

14-kii October 2016, waxaa guuleystay qorshihii Al- Shabaab ee raadinta wax jabiya go’aankii Puntland ee 28kii August , ciidamo ka kalatirsan Puntland & Galmudug ayaa ku dagaalamay Galbeedka xaafadda Garsoor ee magaalada ,dagaalkaas wuxuu geystay dhimasho, dhaawac iyo barakaco weyn oo dhacay, kaas oo ilaa hadda aan laga soo kaban, wuxuuse noqday dagaalkii u dambeeyey ee ka dhaca Mudug…

Go’aankii Puntland ee kala wareejinta gaadiidka iyo in la fashiliyo weeraro kale oo Argagixiso halkaas ayuu ku soo dhamaaday, ka dib markii labada maamul ay ku dagaalameen fikrad iyo abaabul uusan midkoodna laheyn ee ka imaanaysay Al- Shabaab, wuxuuna ahaa Isku daygii u dambeeyey ee Puntland ku nabadeysay gobalka.

Duqii degmada Gaalkacyo ee xiligaas Puntland Maxamed Tumey ayaa sii waday dadaalo ku wajahnaa in nabad laga dhaliyo gobalka Mudug, gaar ahaana tan ku wajahan in labada maamul ay deris ahaadan nabadna ahaadaan, taas oo ilaa maanta ka shaqeynaysa gobalka, waana mid kamid ah arrimaha guuleystay ee xagga nabadda labada maamul

Sida ay Al- Shabaab u shaqeeyaan?

Al- Shabaab, waxay geysteen 90% dhammaan dilalkii ka dhacay gobalka Mudug, sida aan ku ogaanay baaritaankeena Barnaamijka, waxaana ay mar kasta xooga saarayeen sidii ay u dili ahaayeen qof kasta oo ay u arkaan in uu caqabad ku yahay qorshahooda, kahorna badankooda wey u hanjabeen si toos ah, waxayna col iyo dagaal leeyihiin qof kasta oo fahmi kara xaaladaha qarsoon iyo waxa ku socda Bulshada gobalka, kaas oo ay u adeegsadaan dhinacyo kala duwan.

Gobalka Mudug, kooxda Al- Shabaab waxay u kala qeybiyeen sida ay uqeybsan tahay ee Koonfurta & Waqooyi, waxay u magacowdeen labo Gudoomiye gobal, (Waaliga Wilaayada waxay u yaqaanan), isbed-bedel badan ayay ku sameeyeen labada qof ee ugu kala magacaaban jagooyinka, ma sheegan magacyada rasmiga ah ee shaqsiyaadka, mararka qaarkoodna xubnahaas si dhif iyo nadir ah ayay ula hadlaan warbaahintooda.

Yaa madax ka ah?

2 sanno ka hor xilka Waaliga Wilaayada ee Gobalka Mudug waxaa hayay Cabdulqaadir Cabdi Geelle, oo magaciisa Al- Shabaab gudaheeda uu yahay Abu Cadnaan, wareysi uu bixiyey 30 September 2018-kii, oo uu siiyey idaacada Al- Shabaab, wuxuu ku sheegtay guul uu maamulkiisu gaaray oo ku saleysan in beelaha mudug ay lasoo xariiraan wada hadalna u socdo, intaas wixii ka dambeeyey lama hayo xogtiisa, waxaana macluumaad is khilaafsan ay warinayaan in uusan door weyn hadda laheyn, uuna kusugan yahay gudaha Gaalkacyo.

April 2016-kii, waxay Al- Shabaab u magacaabeen dhanka Puntland Gudoomiye gobal, kaas oo ay ka dhigeen ruux kasoo jeeda dhanka Waqooyiga, magaciisa rasmiga ah ayay qariyeen, balse xog aan helnay ayaa sheegtay in bilo kooban xilkaas hayay Cabdirisaaq Axmed Cabdi oo magaciisa Al- Shababa gudaheeda yahay Abu Yaxye, si deg deg ahna looga qaaday, loona diray shaqo kale oo amniyaad la xariirta bishii August ee sannadkaas.

Sidaas oo kale sannadkii 2009-kii ilaa hadda waxay Al- Shabaab u kala magacowdaa gobalka Labo madaxda Amniyaadka waxa lo yaqaano ee dilalka amra,, Waaxda Qaraxyada Baabuurta ku dhajisa oo ah waax hadda shaqada wada, xogta aan helnayna ay sheegayso in ay gaarayaan ku dhawaad 20 xubnood oo aan iska war-qabin xogbadana iska heynin, kuwaas oo baabuurta madaxda iyo dadka la dilayo ugu dhajiya qaraxyada, agabkuna u yaalo gudaha magaalada.

Tabtaas dadka loo adeegsado ayaa ah dadka inta badan la waayo socodkooda, ayna adag tahay in la helo xiliyada dilalku ay dhacaan ee aan u badneyd Masaajidyada iyo goobaha dadweynaha, waxaana u badan shaqaalaha dawladda ee taxadara.

Waaxda Sirdoonka oo u qeybsan noocyada kala duwan ee bulshada, waxaana jira xubno katirsan kooxdan oo laga shakiyey ayna qabteen laamaha Amniga ee Puntland & Galmudug, balse lasii daayay markii ay damiinteen Odayaasha dhaqanka, dhamaantoodna ay u dhasheen labada dhinac ee gobalka, dhaqdhaqaaqyadooda ayay si joogta ah ula socdaan laamaha Amnigu, laakiin marnaba laguma guuleysan in howshan maxkamad loo saaro, waxaana sababaha ugu badan keena Odayaasha beelaha oo mar kasta awood galiya sidii ay u sii deyn lahaayeen, waxaan ogaanay mararka qaarkood cadaadiska Odayaasha in uu ka yimaado Al- Shabaab.

Kooxda labaad ee soo raacda Waaxda qaraxyada ku dhajisa baabuurta ee hadda shaqada wada ayaa ah kuwa fuliya dilalka qorsheysan & Jugta culus, , inta badan waxay ka kooban yihiin 6 ama 8 qof, oo u wada howlgalo 3 ilaa 4 inta u dhaxaysa, waxay adeegsadeen Bistoolado iyo qoryaha Ak-47-ka loo yaqaano marba xaaladda ay xiligaas ku fulinayaan ama ay amarka uga helaan madaxda Amniyaadka oo aan xiligas ka fogeyn meesha ay dilka ka fulinayaan, markiiba hubka dilka lagu fuliyo waxaa la wareegta kooxda Sirdoonka oo qaabilsan isla keydka hubka oo aan laga shakiyin, iskuguna jirta Haween, Ganacsato, Odayaal iyo dhalinyarro una dhashay dhamaantood Gaalkacyo.

Inta badan isma arkaan kuwa dilka fuliyaa iyo kuwa Sirdoonka, waxaana kala ilaaliya kooxda gaadiidka oo markiiba la wareegta hubka.

Jugta culus waxay al- Shabaab dhexdooda u yaqaanan oo ah kuwa fuliya miinooyinka dhulka lagaliyo, qaraxyada iyo weerarada tooska ahba shaqadooda kuma badna Gaalkacyo, hal isku day weerar ayaa jiray oo ay ku fashilmeen, kaas oo ahaa Hoobiye lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, xili duulimaad diyaaraded dagayey, waxaanse ogaanay in ay jiraan weeraro ay diyaariyeen oo laga hortagay.

Sida ay Al- Shabaab u shaqeeyaan?

Hanaanka wada shaqeynta, waxay ay kooxahan oo dhami yihiin Shabakad isku xiran, haddana loo maamulayo qaabkii shirkad gaar loo leeyahay, shaqaaluhuna aysan aqoon badan isku laheyn, marka laga reebo 3 ama 4ta qof ee loo diro dilalka oo lays tuso saacadaha balanta waxyar ka hor, ama mararka qaarkood maalmo kahor laysku keeno.

Amarka dilalka la xariira iyo cabsi galintaba waxaa iska leh Madaxa Amniyaadka oo kusugan isagu mar kasta gudaha magaalada, inta badana la socdo howlsocodsinta oo dhan, waxaana Gudoomiyaha ama Waaliga gobalku uu yahay mid ka baxsan goobta, maadaama uu yahay qofka ugu sareeya ee kooxahan oo dhan aysana badaneyn in la bedelo.

Xogaha aanu helay, waxay cadeynaysaa in sadexdii sanno ee lasoo dhaafay saddex qof ay Al- Shabaab u kala magacaabeen Madaxda Amniyaadka waxay u yaqaanan ee dilalka fuliya sadex qof oo kasoo jeeda Waqooyiga magaalada Galkacayo, waxaana ka mid ah xubnaha aan ogaanay in ay xilkaas qabteen Bashiir Bin Mohamed oo xilkaas la rumeysan yahay in uu hayay ilaa August 2016 ilaa December 2017-kii, wuxuuna kala wareegay Cabdirisaaq Axmed oo hayay ilaa April 2016 ilaa 24kii August 2016-kii, Xog aan helnay ayaa tilmaamaysa in uu December 2017-kii ilaa June 2018-kii hayay Mowliid Gaashaan, xiligan cida ku magacaaban waa la rumeysan yahay in uu yahay Maxamed Xassan Faarax oo kasoo jeeda gobalka Sool.

Baaritaanka waxaanu ku ogaanay in dhammaan kooxahan gudaha kahowlgalaa loo bedelo si joogto ah, marka laga reebo kooxda Wardoonka ama soo indha-indheynta oo u badan dad u dhashay gobalka, bulshadana kala yaqaana.

Xaggee ka degan yihiin?

Dhammaan kooxahani, waxay ka howlgalaan oo ay degan yihiin deegamaada gobalada Mudug & Galguduud, joogitaankooda ugu badan waa Xarardheere, Gaalkacyo labada dhinac & IDPS-ka ama meelaha barakacayaasha oo ay u arkaan gabaad ay joogi karaan, qarkooda lagu amro in ay mudo joogaan gobalkana waxay qeyb ka noqdaan shaqo maalmeedyada caadiga ah ee xoogsatada.

Dhaqaale ahaan imisa ka helaan?

Barnaamijka ayaa ogaaday in ay jiraan shirkado iyo shaqsiyaad kooban oo katirsan bulshada Gaalkacyo, kuwaas oo lacago ay ka qaado kooxda Al- Shabaab, lacagahaas ayay ku sheegtay Zakada Xoolahooda lagu daahirinayo, waxaa kaloo jira shaqsiyaad dhaqaalahooda loga qaadayo si ay uga badbaadaan dilalka kooxdaas, taas oo ay Gaalkacyo si kooban ugala siman tahay magaalooyinka Bosoaaso & Muqdisho.

Lacagaha sannadkii ay Shabaab ka helaan gobalka Mudug ayaa dhan Nus Malyan Dollar.

Baaritaanka waxaanu ku ogaanay in ay jireen dhacdooyin la xariira isku milanka laamaha Amniga ee gobalka & Kooxaha Argagixiso, waxaana jiray dad la qabtay oo dib loo sii daayay, iyadoo aan la marin nidaamka dawliga ah, sidaas oo kale xogaha ayaa cadeynaya in lacago la kala qaatay sii deyntooda xiliyo kala duwan.

Baaritaanka ayaanu ku ogaanay in ay xiliyo kala duwan dhaceen in lacag olagu sii daayay dad ku eedeysanaa dambiyo ay ka mid yihiin weeraro ay ka fuliyeen Gaalkacyo, waxaana kamid ahaa weerar lagu qaaday mid kamid ah warbaahinta kahowlgasha Gaalkacyo oo qofkii ka dambeeyey weerarkaas la qabtay, ka dibna laamaha Amaanku ay dib u sii daayeen todobaad ka dib, markii ay qaateen lacag kayar 10k oo dollar, sida barnaamijku ogaaday

Sidaas oo kale ruux u shaqeynayay Hay’addaha samafalka ayaa la qabtay koox ka dambeysay dilkiisa goor dambe, waxaana lagu sii daayay dhaqaale ay xiligaas qaateen laamaha Ammaanka ee waqtigaas joogay, waana dhaqan ay Gaalkacyo kala siman tahay dhammaan Soomaalida oo ah musuqmaasuq aafeeyey.

Dhacdooyinka aan ogaanay intii aan ku jirnay xog raadinta Gaalkacyo ee xagga dilalka waxaa kamid ah dhacdadan oo uu nooga waramay mid kamid ah waxgaradka gobalka oo ka gaabsaday adeegsiga magaciisa.

Cabsi-galinta iyo beegsiga Saraakiisha Amniga ee gobalka Mudug ee ay u geysteen kooxahan, waxay kaliftay in ay qaarkood Xabsiyada kasii daayaan dad lagu soo qabtay falal amaan darro, mararka qaarna waxaa dhacday in lacago fara badan lagu qaatay sii deyntooda.

Heshiisyada Shabaabka & Beelaha Mudug.

Shir dhacay bishii  Jun 2017-kii, kana dhacay deegaano katirsan gobalka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, waxay Al- Shabaab bedelen qorshahooda deegaanada aan gacantooda ku jirin, waxayna go’aansadeen in ay dadka ku qasbaan Shareecada Islaamka oo ay iyagu sidey doonayaan luu fulinayo, sidaas oo kalena ay danahooda ka dhex fushadaan goobahaas, waxaa ku jiray go’aanadoodu in ay dhaqaale kusoo rogaan ganacsatada si lamid ah sida maamulada Soomaalida, in ay heshiisyo lagalaan beelaha, ayna nabadgaliyaan oo ay dilalka joojiyaan, laakiin ay kubedeshaan wax badan oo kale.

Gaalkacyo, ayaa noqotay meesha labaad ee ay Al- SHabaab hindiseen in ay ka hirgaliyaan damacooda, ku wajahan in ay heshiisyo la galaan beelaha gobalka, waxaa jiray wada hadalo qarsoodi ahaa oo shaqsiyaad katirsan beelaha gobalka Mudug iyo Shabaab dhexmarayay, waxay ahaayeen kuwa ku kooban shaqsiyaad uun, mar kastana aan aheyn wax rasmi ah ee u badnaa Hanjabaado, sida uu ii sheegay mid kamid ah dadkii ay la hadleen xiligaas.

August 2017-kii, waxaa xoogeystay in ay xubno katirsan Al- Shabaab oo kusugnaa Xarardheere ee Mudug & Shabeelaha Hoose, dhalasho ahaanse kasoo jeeda gobalka Mudug ay bilaabeen in ay beelahooda la xariiraan, kuna wargaliyaan go’aanka cusub ee kooxda, waxayna si beel-beel ah ula xariiraan beelaha qaarkood, sidaas oo kale arrintan waxaa qeyb ka ahaa siyaasiin ka soo jeeda gobalka oo laftirkoodu wada hadal xiligaas hore qeyb ka qaatay.

Odayaasha beeluhu kuma qancin warka heshiiska Al- Shabaab oo in ka badan 9 sanno waday dilka qof kasta oo kamid ah waxgaradka gobalka, aysana jirin sabab u dilayeen oo u dhimay oo aan aheyn in uu ka shaqeynayeen horumar, waxayna u arkeen qorshe cusub oo la doonayo in lagu dhakro, sida uu markale ii sharaxayo nabadoonkan.

Odayaasha beeluhu, waxay xiligaas bilaabeen in aysan 100% aaminin warka shabaab, waxaase jiray is faham kooban oo saldhigiisu ahaa in u diyaar-garowga wada hadalkaas ay Shabaabku joojiyaan dilalka. Waxaan ogaanay in waqtiga oo ay Odayaasha wada hadalka ka dib dhaceen awgeed la dilay July 2018 mid kamid ah Saraakiisha Amniga ee gobalka Mudug, taas oo dadajisay in ay Odayaasha beeluhu maqlaan warka kooxdan.

Arbaco, 15-kii August 2018, Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Puntland kana soo jeeda gobalka Mudug, markii ugu horeysay ayay u socdaaleen lasoo hadalka Al-Shabaab, waxay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxay ka dageen Muqdisho 3 maalmood ayay kusugnaayeen Hotel kuyaala magaalada, waftiga waxaa ka mid ahaa 

Socdaalkooda, ayaa Madaxtooyada Puntland lagu wargaliyey Habeenimadii 16-ka August 2018, waxaana xogta la gaarsiiyey Madaxtooyada la bedelay jihada safarka Odayadan, waxaana liiska bixida lagu daray siyaasiin aan xiligaas safarka ku wehlin ((Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka arrimaha Gudaha ee xukuumadda Puntland ee Hadda oo xiligaas ahaa aqoonyahan caawinayay beelaha), Madaxtooyadu waxay la xariirtay maamuladii gobalka & Degmada oo iska fogeeyey in ay wax ka ogaayeen safarkan.

Macluumaad aan helnay ayaa tibaaxaysay in Odayaashaas safarkooda loogu sheegay Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdiweli Gaas, in ay la kulmayaan Madaxda dawladda Faderaalka oo ay kala soo hadlayaan mashaariic horumarineed iyo arrimaha dib u qorida ciidamada xooga dalka oo ay saami u raadsadeen, taas oo ahayd marin-habaabin ay uga dhuunteen laamaha Amniga.

Sadex maalmood ka dib, waxaa lagu qaaday baabuur nooca loo yaqaano NOAHda ah iyo gaari Buss ah, waxaa lageeyey deegaano kamid ah gobalka Shabeelaha Hoose, laguna hayay maalmo kooban, waxaana howshooda la wareegay oo kooxdii ka kaxeysay Hotelka Muqdisho, kala wareegay ninka lagu magacabao Jaamac Cabdisalaan Aaden oo katirsan Shabaab, kana soo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo.

Jaamac ayaa u galbiyey deegaano durugsan oo kamid ah gobalka Jubadda Dhexe, waxay tageen Jilib iyo Jamaame, waxay lasoo kulmeen madaxda ugu sareysa Al- Shabaab.

Waxaan ogaanay in ay wada hadal fadhi toos ah la yeesheen xubno ay kamid yihiin Madaxa ugu sareeya Amniyaadka Al- Shabaab, kan qaabilsan dilalka Puntland, Amiirka kooxda iyo xubno kale, oo ay ka wada hadleen qodobada dhinac kasta uu doonayay, wada hadalka ayaa mararka qaar laysku fahmi waayay, waxanse ogaanay in ugu dambeyn lagu heshiiyey lix qodob oo asaas u noqday bar-bilowga in ay Al- Shabaab u kala dhuuntaan beelaha Mudug, Qodobada ayaana kala ahaa.

  1. 1.In Xabad joojin nabadeed ka hirgasho gobalka, 
  2. 2.In Al Shabaab gobalku ka nabadgalo, iyaga kusugan ee Shabaabka ahna la nabadgaliyo.
  3. 3.In Shabab ay diyaarisay Liiska dadka ay ku dileen Gaalkacyo, laakiin Shabaab waxay liiska ka reebeen sida barnaamijku ogaaday dadkii la dilay qaarkood oo ay ku jiraan dad caanka ah bulshada.
  4. 4.In gobalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka, oo ah nooca ay Shababa doonayeen, iyadoo lala kaashanayo Puntland, 
  5. 5.In Maxkamadda loo xukun tago lagu wareejiyo Culumo, 
  6. 6.Iyo In Qabaailada kalena ay la wadaagaan heshiisyadii qarsoonaa ee lala galay Shabaab. 

Labada dhinacba, waxay isla qaateen in heshiiska mudadiisu yahay 2 bilood, ka dibna ay soo laabtaan tiro ka badan Odayaashan oo ay markale tagaan Jilib & Jamaame, ayna soo kaxeeyaan beelaha iyo nabadoonada kale ee gobalka Mudug, taas oo ahayd albaabka furmay ee wada hadalka labada dhinac, Puntland-na waxay u diyaar garoobaysaa maalmahan doorashada 2019-ka, waxaana Madaxtooyada iyo dhammaan laamaha fulintu ku mashquulsan yihiin arrimaha doorashooyinka.

Maalmo ka dib, Odayaashan waxay dib ugu laabteen Muqdisho, barnaamijka ayaa ogaaday in uu jiray isku day la doonayay in ay ku xiraan laamaha Amniga ee DF Soomaaliya, sidaasna ay codsatay Puntland, laakiin isla Xukuumadda Faderaalka ayaase fasaxday, sida uu barnaamijku ogaaday,ka dibna Gaalkacyo oo ay duulimaad diyaaradeed ku yimaadeen, majirin cid la hadashay xiligaas, iyagoo xataa la ogaa in ay lasoo kulmeen madaxda u sareysa ee Al- Shabaab, tan oo muujisay habka qabaailku ee Mudug ka xoog badan yahay hanaanka dawliga ah,waxay bilaabeen fulinta heshiiskii lixda qodob ka koobnaa.

Kulankii ugu horeeyey ayaa lagu qabtay Hotelka Sugule ee Waqooyiga Galkacayo, Nabadoonadii soo saxiixay Heshiiska Shabaab ayaa u bandhigay beelahooda dhammaan qodobadii ay soo galeen, waxayna sheegeen in ay fulinayaan, 2 bilood oo ahayd mudada heshiis ayaa dhamaatay, markale bishii December 2018-ka laamaha Amniga Puntland oo og ayay Odayaashan ku laabteen deegaanada Shabaabka, waxayna soo saxiixeen heshiis kale oo gundhigiisu uusan wax badan ka duwaneyn kii hore, balse mudada jiritaanka heshiiska uu yahay 8 bilood, halka kii hore ahaa 2 bilood.

Dhamaadkii bishii Jan iyo bilowgii Feb, 2019, ayaa beelihii ugu horeeyey bilaabeen fulinta heshiiska lala soo galay Al- Shabaab, waxay ku dhawaaqeen in ay u hogaansameen shareecada Islaamka oo ay ku dhaqmayaan, isla beelo kale oo katirsan beelaha gobalka ayaa iyana usocdaalay Shabaab si ay wada hadal ula soo galaan markooda.

Feb ilaa June 2019-kii beelo kala duwan ayaa gobalka kaga dhawaaqay meelmarinta iyo fulinta go’aamadii ay ku saxiixeen dhulka ay xukumaan Al- Shabaab.

Waa Khamiis, 21-kii March 2019, xubno katirsan golaha Wasiiradda, Xildhibaanada, Maamulka gobalka, Kan degmada ee Puntland, Isimadda gobalka Mudug, qaybaha bulshada oo dhan ayaa iskugu yimi kulan ka dhacay Hotelka Uunlaaye, kulanka oo warbaahinta loo diiday in ay duubto hadalada, waxay isku raaceen dhinacyadu.

In Shareecada Islaamka laysku xukumo, waxaana goobta dhammaan dhinacyadu isl aqireen in waxa kaliya oo ay Mudug ku kala badbaadi karto, laguna suulin karro dhaqamada xun-xun iyo dilalka la caadaystay ee kordhay ay tahay In Shareecada laysku xukumo, waxaana madasha la qabtay guddi ka kooban 25 xubnood oo soo diyaariya qaabka Shareecada loo fulinayo.

Qodobka shareecada Islaamka ayaana ahaa saldhiga heshiisyadii ugu badnaa ee dhexmaray beelaha gobalka & Al- Shabaab, waxaana Barnaamijku ogaaday in Wasiiradda iyo xildhibaanada Xukuumadda ee shirka ka qeybgalay ay ogaayeen in qodobkan uu yahay heshiiskii Shabaab.

7 maalmood ka dib 28-kii March, Isimadda gobalka Mudug intooda badan oo qabtay shir jaraa’id waxay soo dhaweeyeen go’aanadii kasoo baxay shirka Wasiiradda & Xildhibaanada Puntland ay ka qeybgaleen, waxayna sheegeen in ku dhaqan shareecada ay soo dhaweynayaan.

Guddigii ka koobnaa 25 xubnood ee lagu magacaabay madashii ay kaqeybta ahaayeen wasiiradda & Xildhibaanada Mudug ee dawladda Puntland, ayaa shaqadooda bilaabay sidii ay u dhisi lahaayeen Maxkamad Shareeco Islaam, waxaana durba dood ka bilaabatay cida maxkamadda maamulaysa, gaar ahaana labada Kooxeed ee Culumada Soomalidu u qeybsan tahay, waxaase aragtida ugu badan ahayd in loo dhiibo Culumada Ahlu Suna Waljameeca, oo aysan is jecleyn kooxda Ahlu Suna.

HALKEE KU DAMBEEYEEN HESHIISYADAAS?

2010-kii, gudaha dhismaha taliska qeybta Booliska Gaalkacyo ayaa lagu diyaariyey qaraxyo, laysku dayay in lagu dilo saraakiil muhiim u ahayd Booliska, laakiin ma aysan suuragalin.

Sidaas oo kale weeraro kale duwan ayaa dhacay oo qaarkood lagu dilay xubno firfircoon oo kamid ahaa booliska gobalka, xiliyo kala duwan.

2010-kii, Labo kamid ah ciidamada PSF-ta Puntland ayaa lagu weeraray xaafad kamid ah Waqooyiga Gaalkacyo, ka dib waxay ku guuleysteen in ay dib u soo qabtaan saacado gudahood kooxihii weerarka ka dambeeyey, waxayna ku wareejiyeen Taliska booliska ee gobalka Mudug, waxaase baaritaanka ku ogaanay in kooxihii lasoo qabtay dib loo sii daayay oo ay hanjabaad u direen isla ciidankii soo qabtay markii hore.

Bartimihii 2011-kii,  ayaa weerar lagu qaaday xili habeen ah qaar kamid ah ciidamada Madaniga ah ee xiligaas ka howgalayay Gaalkacyo, waxaana weerarkaas lagu dilay mid kamid ah ciidamada, kooxihii dilka fuliyey ayaa ka tagay telfoonkoodii gacanta oo ay ku jiraan dhammaan dadkii ay xariirada la sameynayeen, qaar kamid ah Saraakiisha Amniga ee kahowlgalayay taliska qeybta iyo Saldhiga ayaa diiday in la baro dhammaan macluumaadkii dabagalka lahaa.

Feb 2018, Barnaamijku wuxuu ogaaday in xubno maxaabiis ah oo katirsanaa Al- Shabaab laguna qabtay Dagaaladii Suuj, Garmaal & Garacad, Garoowe looga soo qaaday gaadiid ay leeyihiin laamaha Ammaanka iyo maamulka gobalka Mudug, waana halkii ugu sareysay ee isku milanka gobalka Mudug & Al- Shabaab.

Bilihii June iyo July ee sannadka 2018-ka, Dabagalkeena, waxaan ku ogaanay in Taliyayaal katirsanaa Booliska gobalka Mudug xilalkoodii ay ku waayeen Shabaab lagu amray in ay sii daayaan oo ay diideen, ka dib markii xilka laga qaadayna ay Shabaabku dileen, waxyaabaha layaabka leh ayaa ah in xiligaas ay Shabaabku isticmaaliyeen Taliska dhexe ee Booliska Puntland.

SOCDAALKII DENI EE MUDUG

19-May-2019, Madaxweyne Deni ayaa u socdaalay magaalada Gaalkacyo, waana safarkiisii ugu horeeyey ee uu kutagayo gobalka tan iyo markii uu la wareegay Madaxtooyada Puntland bilowgii Jan 2019, kaas oo kaliya ayuuna ilaa hadda ku tagay gobalkaas, ujeedada ugu weyn ee safarka Madaxweyne Deni ayaan ogaanay in ay ahayd sidii u arki lahaa xaaladda gobalka Mudug, una baajin lahaa wararkii soo gaarayay ee sheegaya in Beelaha Mudug & Shabaab heshiis dhexmaray, ay doonayaan in ay u hogaansamaan amaro laga keenay deegaano kale.

Madaxweyne Deni oo maalin ka dib safarkiisii Gaalkacyo 20-kii May, ka hadlayay kulan ka dhacay Gaalkacyo ayaa ka sheegay tuhunka la qabay, wuxuuna si cad u sheegay in aysan jiri doonin in Jilib iyo Jamaame looga taliyo dadka Puntland, gaar ahaana gobalka Mudug, shacabka gobalkaas oo lagu yaqaanay geesinimana wuxuu sheegay in wararka lagu tilmaamayo in ay cabsadeen ay tahay wax kale.

Laamaha Sirdoonka & Kuwa Amniga ee gobalka ayaa Madaxweynaha habeenimadii 20-kii May u gudbiyey xogta dhameystiran ee ku saabsan Heshiisyada beeluhu lagaleen Al- Shabaab, qorshaha cusub ee maxkamadda lagu sameynayo, dhismaha guddiga 25 xubnood iyo guddi kale oo kasii farcamay gaarayana 7 xubnood, taas waxay noqotay arrin lala yaabo, sidaas oo kale warbixinta loo gudbiyey Madaxtooyada waxaa qeyb ka ahaa dhinac kale oo iyana kasoo horjeeday heshiisyadaas.

Xogta e loo gudbiyey Madaxweynaha ayaa cadeynaysay in ay Maxkamaddaas furitaankeeda qeyb ka yihiin xubno katirsan dawladda ee gobalka, waxaana kale oo xogta la qariyey loogu sheegay Madaxweynaha in xubnaha Xukuumaddiisa iyo Xildhibaanada ee kasoo horeeyey ay qeyb kanoqdeen kulamo arrimahaas looga hadlayay.

Galinkii hore Talaadada 21-kii May, 2019, Madaxweyne Deni ayaa la kulmay Nabadoonada gobalka Mudug, waxaana kamid ahaa xubnaha ka qeybgalay kulanka Odayaashii heshiisyada Al- Shabaab lasoo galay, waxay u bandhigeen xaaladda dhabta ah ee gobalka, danta kaliftay la hadalka Shabaab & xalalka ay u arkaan hadda.

Warbaahinta lama siinin wax door ah oo ku aadan in ay xog ka hesho kulankaas, marka laga reebo Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wariyayaasha la hadlay markii uu dhamaaday….

Nabadoonada heshiiska lasoo galay Al- Shabaab, waxay madasha ka sheegeen in ay sidaas u sameeyeen markii ay waayeen cid ammaankooda sugta oo ay dawladdu ku kooban tahay oo kaliya caasumadda, wadiiqada u furana ay noqoto in ay maciin-bideen Argagixisada.

Waxay kaloo Odayaashu shirkaas, ka sheegeen in bilowga aadida Al- Shabaab, ay qeyb ka ahaayeen Masuuliyiin katirsan hadda Xukuumadda & Baarlamaanka Puntland.

Sidaas oo kale, waxay ka cawdeen maamul xumo baahsan, waxay sheegeen in ay isku Milan yihiin Booliska iyo kuwa dilalka kafuliya magaalada Gaalkacyo.

Markii kulankaas dhamaaday ka dib, Madaxweynaha Puntland ayaa u yeeray saraakiisha Amniga iyo guddiga Nabadgalyada markale, waxay ka wada hadleen ammaanka, waxaana Barnaamijku helay in ay jireen is eedeyn dhinacyada amniga gudahooda ah iyo maamulka gobalka, waxaana meel sare gaaray in kulanka dhexdiisa ay soo baxday in aysan wada shaqeyn Karin.

Habeenimadii 21-ka May 2019-ka, Madaxweynaha Puntland wuxuu la kulmay Isimadda gobalka Mudug, kulan saacado qaatay ayaa looga hadlay ammaanka iyo is wareysi dhab ah oo ku wajahan xaaladdii taagneyd oo ay kamid ahayd sidii loo burburin lahaa heshiisyadii Al- Shabaab meeshana looga saari lahaa.

Isimaddu, waxay soo jeediyeen dhaliilo la mid ah kuwii ka yimi Nabadoonada gobalka, waxayna sheegeen in 12 sanno Xukuumad kasta ay la timado isla wadada tii hore aysana keenin wax cusub fulina waxay balan-qaado oo ay u horeeyeen Amniga in wax laga qabto.

Isimaddu, waxay u gudbiyeen in labo wax deg deg wax looga qabto, haddii Amniga ay rabto Xukuumaddu in uu hirgalo dhismaha ciidan xoogan oo Boolis ah oo bulshada ku dhex jira kana war-qaba ee banaanka ka joogin, in la helo masuuliyiin si dhaw ula socda baahiyaha Gaalkacyo, gobalkuna uusan la mid aheyn gobalada kale, labadaas qodob-ba Madaxweynuhu wuu balan-qaaday, sida Barnaamijku xaqiijiyey.

Madaxweynaha Puntland, sabab la xariirta Amnigiisa awgeed ayuu habeen kamid ah waqtiyadii uu joogay Gaalkacyo, u seexday deegaanka Heema, taas oo muujinaysa heerka khatar amni oo Madaxweynuhu dareemay.

Aan u laabano Halka ay ku dambeeyeen Heshiisyadii lala soo galay Al- Shabaabe’e.

Culumadii Ahlu Suna ee loo saaray in ay kasoo talo-bixiyaan hanaanka dhismaha Maxkamadda Shareecada ee gobalka Mudug, qeybna ka ahayd heshiiskii Gaalkacyo waxay labo goor yesheen kulamo ka kala dhacay goob gar ah iyo Masaajid kuyaala magaalada, waxay isku raaceen fulinta go’aamadii iyo in ay noqdaan kuwa fuliya Shareecada, ka dib dalabka uga yimi Isimadda, iyagoo sidaas sabab uga dhigayay in aysan yool u noqonin kooxaha Argagixiso, sida ay ii shegeen xubnihii ka qeybgalay labada kulanba.

Isfaham horey u dhexmaray Al- Shabaab & Culumada Ahlu Suna

Kulan gaar ah oo la qorsheeyey in uu dhexmaro culumadaas iyo Madaxweynaha ayaa fashilmay, markii ay Culumaddu diideen in ay qeyb ka noqdaan, waxayna sheegeen in aysan markii horeba wax door ah ku laheyn arrimaha heshiisyada la galay, haddii laga baxayna aysan door laheyn.

Dhammaan, Heshiisyadii kooxda Al- Shabaab iyo beelaha Mudug ee qodobadkiisii ahaa hirgalinta Shareecada Islaamka oo ay doonayeen Al- Shabaab ayaa soo afjarmay dhamaadkii bishii May 2019-ka.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu diiday in la fuliyo heshiisyadaas gabi ahanba, wuxuuna sheegay in aan marnaba nidaamka dawliga ah ee Puntland oo lood haawaceyn dano gaar ah.

Odayaasha ayaa sii waday heshiiska oo mudadiisu ahayd 8 bilood, ka dib markii uu dhamaaday heshiiskaas, waxaa jiray wada hadalo xagga telfoonka ah oo dhexmaray Al- Shabaab & Odayaashii heshiiska lasoo galay ee Waqooyiga Gaalkacyo, waxayna Odayaashu sheegeen in cadaadis xoog leh soo fuulay, balse ay doonayaan in waqti dheeri ah lasiiyo, Al- Shabaab waxay usoo bandhigeen Odayaasha in ay soo diraan 20 nabadoon in ka badan oo ay tagaan Jilim iyo Jamaame, waxaana Odayaashu ay sheegeen inaysan imaan Karin oo cadaadis aaran yahay qaarna laga xiray.

Al- Shabaab, waxay Odayasha u soo gudbiyeen dalab cusub oo ah in ay dilayaan qof kasta oo katirsan dawladda, Shaqaale ilaa madax, iyagana waxaa lagu amray in aysan ka qeybgali Karin kulamada dawladda iyo ka hadalka ammaanka ama danaha Mudug, haddii ay doonayaan in ay nabad-galaan.

Baaritaanka waxaanu waxaanu ku ogaanay in ay Odayaashu beeluhu u hogaamsameen amarka Al- Shabaab oo ay ku dhici waayeen ka qeyb noqoshada kulamada Amniga & xataa tagida Janaasada meydka.

Ururka Al- Shabaabku waxay xilikasta qorsheeyaan in ay ka hortagaan talaabo kasta oo ay Puntland ku doonayso in ay ku xaqiijiso Ammaanka magaalada, waxay adeegsanayaan tabo kala duwan oo ay ugu horeeyaan iska horkeenida laamaha ammaanka, beelaha gobalka iyo labada maamul-ba.

Baaritaanka ayaanu ku ogaanay in ay qeyb ka yihiin hadda Al- Shabaab abaabulka colaad kala duwan oo la dhexdhigo labada dhinac ee magaalada, waxay kaloo hurinayaan colaado Sokeeye si ay u helaan gabaad ay ku sii joogaan.

Omar Mohamed

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *