golis

Yemen: 32 Askari oo Lagu Dilay Cadan

Ugu yaraan 32 askari ayaa lagu soo waramayaa in lage dilay Wadanka Yemen kadi markii Xuutiyiintu ay gantaalo ku weerarareen Dabaaldeg ciidamada Yemen ka samaynayeen magaaladda Cadan .

Xuutiyiinta ayaa weerarkooda u adeegsaday gantaalo iso diyaaradaha Droneska sida uu sheegay telefishan ay maalmulaan xuutiyiinta Yemen. Dowladda Yemen ayaa sheegtay in askarta la laayay ay ka qaybgalayeen xaflad qalanjabin ah oo samaynayay ciidamo cusub oo ku biiray milateriga Yemen.

Hate yeeshee, Xuutiyiinta ayaa dhinacooda sheegay in Dabaaldega ciidamadu u ahaa ciidamo cusub oo dowladda Yemen u diyaarinayso inay weerar cusub ku qaadaan dhulka ay haystaan xuutiyiinta ee waqooyiga Cadan.


Magaaladda Decked ah ee Cadan ayaa xarun u ah dowlada Caalamka ictiraafsan yahay ee Yemen oo taageero militari ka helaysa ciidamada Imaaraatiga iyo Boqortooyada Sacuudiga.

HORSEEDMEDIA