golis

Bosaso oo Looga Dabaaldegay Sanadguurada 21aad ee Xuska 1-da Agoosto (SAWIRRO)

Xarunta dowladda house ee degmada Bosaso waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayay Sanadguurada 21aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay maamulka Puntland 1-da Agoosto 1998dii.

Munaasabada waxaa ka qaybgalay wasiirka dekedaha iyo gadiidka badda, wasiir ku xigeenka dekedaha, Guddoonka gobolka Bari, Duqa degmada Bosaso, saraakiisha ciidamada iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiintii munaasabada ka hadashay ayaa ka sheekeeyay sooyaalkii taariikheed ee dhismaha maamulka Puntland, horumarka iyo guulaha ay mudadaasi ay shacabka iyo dowladooduba gaareen, waxay ka sheekeeyeen muhiimada ay leedahay in la wada ilaashada amniga, midnimada iyo wadajir Puntland.

Xuska 21aad ee Asaaska Puntland ayaa laga xusay inta badan magaalooyinka Puntland.

Bashiir Faarax Siciid