golis

Burcadbadeedkii uu Cafiska u Fidiyay Madaxweynaha Somaliland oo Lagu Wareejiyay Odoyaal Reer Muqdisho AH

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo ka yimid magaaladda Muqdisho, kuwasoo lagu wareejiyay 19 maxbuus oo ku eedaysaa Falal burcad-badeednimo oo uu toddaadkii hore cafi u fidiyay.


Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka oo ka qabsoomay xalay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.


Odoyaasha dhaqanka ayaa maantaba u ambo baxay magaaladda Muqdisho , iyaga ay la socdaan 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

Go’aanka uu madaxweyne Muuse Biixi uu cafiska uu ugu fidiyay maxaabiista waxaa cambaareeyay dowladda Seychells oo maamulka Somaliland ku eedaysay inay jabiyeen heshiiskii 2011kii ay kala saxiixdeen, heshiiskaasi ayaa dhigayay in qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada dalkaasi lagu soo wareejiyo xabsiyada Somaliland si ay halkaasi ugu dhamaystaan inta ka hartay xabsiyadooda.

HORSEEDMEDIA