golis

Madaxweyne Deni oo Garoowe Ka sagootiyey Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Garoowe ka sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo Puntland u yimid ka qeybgalka todobaadka Puntland iyo xuska 1-da August maalintii la’aasaasay Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Guddoomiye Mursal uga mahadceliyey imaanshihiisa Garoowe iyo inuu Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda kala soo qeybglaay xuska 1-da August.


“Runtii Sharaf weyn bay noo ahayd inuu nagala soo qeybgalo isaga iyo Xildhibaanadii la socday iyo Aqalka sareba xafladdii dabaaldega 1-da August, Waan ku faraxsanahay muddaddii ay joogeen iyo sida ay noo soo sharfeen, waan jeclaan lahaa inuu nalasii joogo laakiin howlo shaqo oo jira inuu degdeg u baxo ayeey kaliftay, waxaa rajeynaynaa marar kaleeto oo badan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanadu ay soo noqon doonaan” Ayuu yiri Madaxweyne Deni .


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda uga mahadceliyey sida loo soo dhoweeyay, Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inay sharaf iyo karaamo u aheyd inuu kasoo qeybgalo sanadguuradii 21aad ee kasoo wareegatay aasaaska Puntland.

HORSEEDMEDIA