golis

Maraykanka oo Si Rasmi Uga Baxaya Heshiiska Nukliyeerka ee INF

Wax la filayaa in Maraykanku si rasmi ah uga baxo heshiiskii Nukliyeer INF oo ay wada saxiixdeen Midowga Soofiyeed Sanadkii 1987dii, Heshiiskan ayaa lagu xakameenayey hubka gantaalada dhexe ee qaada Madaxyada Nukliyeerka.

Heshiiskan ayaa mamnuucayay in la soo Saaro Gantaalada ridoodu gaarto 500 and 5,500 km.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu hayo cadaymo muujinay i ruushka jabiyay heshiiskaasi isla markaana soo saaray hub cusub oo ah nooca gantaaladii horey loo mamnuucay oo casri ah.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bishii Febraayo ee Sanadkan wuxuu ku dhawaaqay inuu ka bixi doono heshiiska 2da bisha Agoosto haddii uusan Ruushku u hoggaanscnaan heshiiska

Burburka heshiiska INF ayaa laga cabsi qabaa inuu keeno tartan dhinac hubka nukliyeerka iyo Gantaalada oo dhexmara wadamada Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha.

HORSEEDMEDIA