golis

Seychelles oo Somaliland ku Cambaaraysay Inay Sii Daayeen 19 Burcad badeed ah

Dowladda Jasiiradda Seychelles ayaa ku eedaysay maamulka Somaliland inay jabiyeen heshiiskii 2011kii oo Somaliland loogu soo wareejiyay maxaabiistii ku eedaysnayd falalka burcad-badeednimada kuwasoo ku xirnaa xabsiyada wadanka Seychelles.

War ka soo baxay dowladda Seychelles ayaa lagu cambaareeyay go’aanka maamulka Somaliland ay ku siidaayeen 19 Maxbuus oo toddobaadkii hore madaweynaha Somaliland uu u fidiyay cafis madaxweyne.

” Maxaabiista la sii dayay waxay nagu noqotay fajac, iyadoo aan wax wadaxaajood ah ah lala galin dowladda Seychelles ayaa la sii daayay maxaabiista, arringa waxay ka soo horjeedaa heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Sychelles iyo Somaliland” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Seychelles

Go’aanka Somaliland ay ku sii daysay Burcadbadeed ayay sheegeen inuu dhabar jab ku yahay dadaalada lags dagaalamo burcadbadeeda iyo khatarna uu galin karo ammaanka baddaweyne Hindiya.

Maxaabiista la sii daayay oo tiradoodu dhamayd 19 ayaa ku xukunaa xabsiyo u dhexeeya 30 ilia 42 Sanno.

HORSEEDMEDIA