golis

9 Qof oo Ku Dhintay Weerar Kale oo Ka Dhacay Maraykanka

Booliiska ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen rasaas ka dhacday magaaladda Dayton gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Weerarkan oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 16 qof waxaa uu dhacay degmada Oragen ee bartamaha magaaladda Dayton. dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday dhowr cusbitaal oo ku yaal degaanka si loogu dabiibo.

.

Weerarkan ayaa imaanaya Saacado uun kadib markii Weerar kale oo ay ku dhinteen 20 qof, 26 qofna ku dhaawacmeen uu ka dhacay gobolka Texas ee Maraykanka.

Booliisku waxay sheegeen inay toogasho ku dileen ninkii dilka gaystay, balse ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo booliisku ka bixiyeen weerarkaasi.

HORSEEDMEDIA