golis

DF oo Soo Bandhigtay Labo Horjooge oo ka soo Goostay Alshabaab.

Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay Labo horloge ah oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaasoo Maanta isku soo dhiibay Ciidanka ku sugan Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Iyo Maamulka Degmadaasi,

Labadan Horjooge oo lagu Kala Magacaabaa Maxamed Xasan Cusmaan oo 25- sano jir ah kaasi oo muddo 1 sano ah ka tirsanaa maleeeshiyaadkasi iyo Xuseen Marshaale Maxamed oo 19 sano jir ah, kaasi oo Alshabab ku jiray 2 sano, islamarkaana wuxuu dirawal u ahaa mid ka mid ah Saraakiisha sarsare ee uurka Alshabaab ee goboladda Bay iyo Bakool

Dowladu waxay sheegtay in ragan oo watay labo lori oo AK47 iyo Booshakoodii ay ka tanaasuleen fikirkii qaldanaa ee Alshabaab wuxuuna ahaa darawalkii horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa gobolada Bay iyo Bakool,waxaana ay wateen 2 qori AK47 iyo Booshahkooda.

“Waxaa ay ogaadeen In Alshabaab maanta Shacabka Soomaaliyeed aysan dhaafeynin Saqiir iyo Kabiir, iyaga oo dhallinyaro ah oo markii horaba la qaldey ayaa Maanta ka soo laabteen Qaladkoodi,iyaga oo ka Faa’ideysanaya cafiskii uu u fidayay Madaxweynaha Jumhuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, anaga oo Fulinayna Amarka Madaxweynaha Qof kasta oo doonaya waddada Qaladan Al Shabaab kasoo laabto,Gacmo Furan ayaan kusoo dhaweynaynaa,Ka maamul ahaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Bay Ibarahim Maxamed Nuur.

HORSEEDMEDIA