golis

Saraakiil Alshabaab ah oo Lagu Dilay Gobolka Bay

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in howlgal ciidamadu milateriga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsan ururka Alshabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay la wareegeen tuulooyin ay ka mid tahay Buulo Jebi oo maleeshiyada Alshabaabku gacanta ku Hayden

Saraakiishu waxay sheegeen in Howlgalka lagu dilay Horjoogayaal ay ka mid yihiin Madaxii amniyaadka iyo Madaxii Sakawaadka ee degaankaasi.

HORSEEDMEDIA