golis

Dood ka taagan Markab Shidaal sida oo ay IRAN qabsatay

Ciidamada Iran ayaa Axadii shalay xaqiijiyey inay qabteen Markab ay sheegeen inuu shidaal kontarobaan ah u siday wadamo carab ah.

Markabkan ayaa la sheegay inuu sido 700.000 liter oo naafto (Diesel) ah, waxayna warbaahinta Iran qaarkood ay sheegeen in markabkaasi laga leeyahay wadanka Ciraaq.

Hase yeeshee war kasoo baxay dowlada Ciraaq ayaa lagu sheegay in wadankaasi uusan wax xiriir ah lalaheyn markabka la qabtay, iyagoo sheegay in wadanka Ciraaq uusan dhoofin wax Shidaal Naafto ah.

Hawlgalka ay ciidamada Iran kusoo qabteen Markabkan shidaalka sida ayaa dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, balse shalay oo Axad ahayd ayey dowlada Iraan shaacisay inay gacanta ku heyso Markabkan.

Iran ayaa sidan oo kale u qabsatay Markab shidaal siday oo laga leeyahay UK bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Luulyo, kadib markii Ingiriiska uu qabtay Markab siday shidaal laga keenay Iran oo marayey xeebta dalka Spain.

Horseed Media