golis

Egypt: 19 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Qaahira

Ugu yaraan 19 qof ayaa xalay ku dhimatay qarax ka dhashay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga xarunta dhexe ee Baaritaanka cudurka Kansarka ee ku taal magaalada Qaahira.

Qaraxan ayaa dhashay kadib markii gaari xawaare sare ku socda u ku dhacay gawaari goobtaasi taagnaa, balse waxaan la ogeyn waxa sababay qaraxa xoogaleh ee goobtaasi ka dhashay.

Ciidamada baara bambaanooyinka ayaa wada baaritaan ay ku eegayaan shilkan iyo waxa sababy qarax iyo dabka xoogan ee khasaaraha badan geystay.

Horseed Media