golis

Khayre oo Booqday Ciidamo Ku Jira Xerada Gen. Goordan ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howl- galo laga samaynayo deegaannada koonfurta Soomaaliya.

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamadii horay loogu tababaray xeradan oo ay hore u maamuli jijen Imaraadku, kuwasoo hadda ka howlgala magaaladda Muqdisho iyo goboladda qaarkood.

Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Alshabaab looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka,

HORSEEDMEDIA