golis

Mac-hadka Hayaan oo soo gebegebeeyey tababarkii labaad ee Safarka Nabadda (SAWIRO)

Machadka Hayaan Institute ayaa soo gebagebeeyey tababarkii labaad ee ku saabsan dhismaha nabadda, ka hortagga rabshadaha iyo xalinta khilaafaadka, Tababarka ayaa ka dhacay magaala Garoowe, qaybta labaad waxaa ka faa’ïdeystey 16 ardey. hayaan Institute ayaa horey u qabtey tababar caynkan oo kale ah oo ay ka faa’ideysteen 16 ardey oo isugu jira wiilal iyo gadbho.

Dhalinyarada ka qaybqaatey tababarkan ayaa sheegay in ay faham u yesheen qiimaha nabaddu waxa uu yahay sida loo xaliyo khilaafaadka loogana hortago ka qaybqaadashada rabshadaha. Barnaamijkan waxaa maalgeleysey Dowladda Maraykanka, waxaana fulineysa hay’adda Hayaan.

Faafin Horseed Media