golis

Muqdisho: Maxkamada Ciidamada oo Dil Ku Fulisay labo Nin Oo Ka Tirsanaa Alshabaab

Maxkamada Ciidamada ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo ku eedaysnaa inay dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho, Qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen dad badan.

Labadaan nin oo maxkamadu sheegtay inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab ayaa Saaka Aroortii hore lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Magaaladda Muqdisho Muqdisho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan nin ayaa kala ah

  1. Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe.
  2. Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay ,

Dembiyada loo hasty oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka ay ku soo eedeeyay Dembiyada kala ah

  1. ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:-
  2. 15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad .
    27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum.
  3. 09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux .
  4. Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay kugeeriyoodeen 27ruux .
  5. Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah.

Labada xukunsane ayaa Xukunka Maxkamadda Racfaan ka qaatay 06/04/2019, hase yeeshee Maxakamadda sare ee Ciidamada dowladda federaalka sida ayaa markale Dil ku xukuntay 04/05/2019.

HORSEEDMEDIA