golis

Egypt: dowlada oo sheegtay in Qaraxii Qaahira uu ahaa weerar argagaxiso

Hay’adaha amaanka ee dowlada Masar ayaa sheegay in baaritaankii ay ku sameeyeen qaraxii ka dhacay caasimada dalkaasi habeenimadii Isniinta soogaleysay uu ahaa weerar argagaxiso.

Qaraxan oo ka dhacay meel u dhaw xarunta Hay’ada Baaritaanka cudurka Kansarka (NCI) ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof, kadib markii gaari sida la sheegay bambaano lasoo saaray lagu qarxiyey wadada hormarta xaruntaasi.

Waxaa horey shaki weyn looga qabay in dhacdadii habeen hore ay ahayd weerar maadaama dabka iyo qaraxaasi uu khasaaro badan geystay, walow markii hore loo maleeyey in dabkaasi uu ka dhashay shil gaari.

Horseed Media