golis

Kuuriyada Waqooyi oo markii 4aad tijaabisay Gantaalo

Militariga Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Salaasa ah tijaabiyey 2 gantaal, tijaabadan ayaa noqoneysa middii 4aad oo ay muddo 2 asbuuc gudahood ah sameyso xukuumada Kuuriyada Waqooyi oo si weyn uga careysan dhoolatuska militari oo ay sida wadajir ah u wada sameenayaan dalka ay jaarka yihiin ee Kuuriyada koonfureed iyo Maraykanka.

Dhoolatuska sanadlaha ah oo ay si wadajir ah u sameeyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka oo bilowday Isniintii shalay ayaa ah mid ay Dowlada Kuuriyada Waqooyi u aragto mid khatar ku ah amnigooda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in dalkaasi uu khasab ku yahay inuu sare u qaado awooda militari si ay uga gaashaantaan khatarta dibada uga imaan karta.

Tijaabooyinka gantaaladan ayaa docda kale la doonayaa in lagu cadaadiyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo doonaya inuu dib u bilaabo wadahadalkii uu kula jiray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Horseed Media