golis

Maraykanka oo sii adkeeyey Cunaqabateyntii uu ku hayey Venezuela

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay cunaqabateyn horleh oo ay xukuumadiisa saareyso wadanka Venezuela.

Sharcigan cusub ayaa mamnuucaya in wax ganacsi ah lala sameeyo dowlada Venezuela, waxayna xukuumada Maraykanka xanibtay dhamaan hantidii dowlada Venezuela ka taalay wadanka Maraykanka.

Cunaqabateyntan ayaa ah mid lamid ah kuwii uu Maraykanka hore u saaray dalalka Iran, Siiriya, Kuuriyada Waqooyi iyo Kuba.

Xukuumada Maraykanka iyo shirkadaha waaweyn ee shidaalka soo saara ee Maraykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday olole ay ku taageerayaan xisbiyada Mucaaridka Venezuela inay afgembi ku sameeyaan Xukuumada Nicolas Maduro oo ku guuleystay doorashadi dalkaasi ka dhacday sanadkii lasoo dhaafay.

Horseed Media