golis

Rwanda: Shirka dooda- Hogaamiyayaasha Afrika ee Badbaadada Cuntada oo lagu Soo Gabagabeeyay Kigali

Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee dowladda federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa magaaladda Kigali ee caasimadda Rwanda ka qaybgashay shirka dooda-hoggaamiyayaasha afrika ee badbaadada cuntada.

Shirkan oo ay martigalisay Dowlada Rwanda waxaa lasoo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), Heyada FAO,Heyada Maalgalinta Horumarinta Beeraha Aduunka(IFAD), Bankiga Aduunka (WB).

Shirka Waxaa kasoo qaybgalay Wasiirada Beeraha Africa, Madaxda Heyadaha Maaliyada iyo Beeraha Ee Kor kuxusan,Khuburo kala duwan oo qaarkood haystaan Abaalmarinta Nobel Prize.

Wasiir Siciid Ciid iyo Ra’isul wasaaraha Rwanda DR. Édouard Ngirente

“Waxaa Shirka diirada lagu saaray xaalada cunto yarida ee kusii baahaysa Africa iyo sidii qaaradu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah eek a dhalatay waxsoosaarka Beeraha ee Africa oo kahooseeya inuu quudiyo dadka Qaarada,iyo isbedelada Cimiliada oo saamayn ku yeeshay waxsoosaarka Beeraha” Sidaas waxaa yiri wasiir Siciid xuseen Ciid oo qoraal soo dhigay bartiisa facbooga.

Bidix, Wasiir Siciid Xuseen Ciid, dhexda Wasiirka Beeraha Rwanda Gérardine Mukeshimana iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailamariam Deslen


Wuxuu sheegay in go’aanadii ka soo baxay shirka ay ugu muhiimsanayd in ay wadashaqayn dhow ay yeeshaan dhamaan qaybaha ay khuseyso Heyadaha maaliyada aduunka,heyadaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo kadhabaynta wadamada Qaaradu balamada gobolleed iyo kuwa caalamiga ah oo uu ugu horeeyo Qorshaha dhamaystiran horumarinta Beeraha Africa ee loosoo gaabiyo (CAADP).

Wasiir Siciid Xuseen iyo madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Obosanjo


Mudadii uu shirku uu socday, wasiirka Beeraha ee Federaalku wuxuu la kulmay madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Obosanjo iyo Raiisalwasaarihii hore ee Itoobiya Hailamariam Deslen, kuwasoo lagu casuumay shirka talooyina kaasoo jeediyay.

HORSEEDMEDIA