golis

Somaliland: Madaxweyne Biixi iyo Waftigiisu Waxay Ku Soo Xajinayaan Baasaboorka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah gollihiisa wasiirada aaa manta u ambo baxay waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland aaa lags sheegay in Madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ay marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Arabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, iyagoo ku dhoofay Baasaboorka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay dalka Sucuudigu usoo direen.

“Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal u dhexeeya” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Guryeynta iyo Dhulka, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, waxana sii sagootiyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

HORSEEDMEDIA